Badhasaabka Sool oo xadhig ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Bisha Cas

Hargeysa (Somalilan.Org)- Gudoomiyaha gobolka Sool Gudoomiyaha gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeniyare) oo ay weheliyaan maayarka magaaladaasi, saraakiisha ciidamada qaranka ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun cusub oo ay yeelanayso hayada bisha cas oo laga hirgaliyay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay maamulaha bisha cas daahir axmed warsame oo sheegay in bisha casi ay heegan u tahay daryeelka adeegayada bulashada ee gobolka sida caafimaadka iyo waxbarashada.

gudoomiyaha gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeniyare) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu mahad celinayyo hayada bisha cas islamarkaana ku amaanyo adeegayada ay ka qabato gobolka.

maayirka magaalada laascaanood faarax cabdi yare oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in uu soo dhawayanayo xarunta loo dhisay hayada bisha cas taas oo noqon doonta mid wax weyn katarta adeegayada hayadu ay ka qabato gobolka.

gabagabdii waxa halkaasi ka hadlay xubno isagu jira ganacsato iyo marti sharaf kale oo dhamaan soo dhaweeyay dhismaha hayada bisha casi ay ku yeelan doonto gobolka sool.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com