W/Waxbarashada oo Kashiftay Xeeladaha Dugsiyada Gaarka ahi u adeegsadaan imtixaanka shahaadiga ah

‘Dugsiyada Gaarka ahi waxay isku buun-buuniyaan waa dukaan ganacsi oo kale’

‘Marka la qiimeeyo Natiijada Guud ee Imtixaankii shahaadiga ahaa waxa ku horeeya dugsiyada dawliga ah’

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay eedaymo loo jeediyay oo la xidhiidha inay ku fashilmeen kor u qaadka aqoonta dugsiyada dawladda.

Eedahan loo jeediyay Wasaaradda ayaa daba socday ka dib ku dhawaaqistii natiijadii imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare iyo dhexe oo dugsiyada gaarka loo leeyahay ay kaalmaha hore ka galeen natiijadii imtixaankaas shahaadiga ah.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska DAWAN ayaa sheegay in dugsiyada gaarka loo leeyahay la buun-buuniyay, isla markaana ay yihiin meherado cid gaar ahi leedahay, kuna dedaalaya kaalmaha hore.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanka oo la waydiiyay sababta keentay in muddooyinkan dambe ay dugsiyada gaarka loo leeyahay kaalmaha hore kaga guulaystaan kuwa dawladda, waxa uu ku jawaabay.

“Horta waxaad ogaataa dugiyadan gaarka loo leeyahay waa la buun-buuniyay waa sida dukaan dowladdu leedahay iyo dukaan nin ganacsade ahi leeyahay oo kale, markaa iskuulada gaarku waa iskuulo ganacsiya oo macaash doon ah, isla markaana kaalmaha hore ku dedaalaya, markaa dadkuna waxay u qaateen in iskuuladii dowladda ay dawladdu ka seexatay oo dugsiyada qiimayntoodu waxa weeye muxuu horumar gaadhay oo manhajkii ma fuley, taana waxa lagu ogaadaa intee ardayda ayaa derajada A heshay intee B heshay intee C heshay oo manhajkii ardaydu ma fahmeen.”

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay tayada ka muuqata ardayda ka soo baxday dugsiyada dawladda sannadkan.“Tusaaale haddaan kusiiyo cadeynaya inaaney dugsiyada dowladdu tacliinta ku hoosayn, dugsiyada gobolka Saaxil muddo dhowr iyo toban sanno ah oo xafiiska aan joogay waligood saddex derajada A may helin sannadkan waxay heleen todoba iyo toban arday derajada A, dugsiga Bursade oo keliya ayaa 15 ardey ay derajada A keenay, dugsiga sare Cabdisalaam oo sannadkan gaadhay fasalka afraad hal arday ayaa derajada A helay, Dugsiga sare ee Sinigaal ee Sheekh hal arday ayaa derajada A helay, waa gobol aan heli jirin derajadaas waxaan uga dan leeyahay in dugsiyada dowliga ah ay horumar badan oo dheeraad ah sameeyeen waliba intii wasiir Samsam timi.”

Mr. Daa’uud Axmed Faarax waxa kale oo uu sheegay inay soo saari doonaan warbixin ku saabsan qaabka ay ardaydu ugu kala wanaagsan tahay natiijooyinka, isla markaana ugu kala badan tahay guud ahaan derajooyinka.

“Markaa waxaanu rabnaa dhawaan inaan qoraal ku soo saarno sheegaya ardayda dugsiyada dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay intee haysata derajada A, intee haysata B iyo intee heysata derajada C, waayo sida waxan la buun-buuninayaa waxay niyad jab ku ridaysaa ardayda dugsiyada dowliga ah, waxaanan u arkayaa in la yar siyaasaddayno sannadkii hore way ku jireen dugsiyada dowladu waxana waa imtixaan waa xadhig jiid oo marba cidbaa la jiidayaa, markaa waxa weeye dugsiyadu dowladu way ka tiro badan yihiin mida kale waa la xadidayaa oo waa meel macalinka lacag lagu siinayo dheeraada, waliba lacagta dowladdu bixiso mid ka badan lagana yaabo inay taasi keento dhiirielin dheeraad ah macalinka dugsiga gaarka loo leeyahay.”

Waxa kale oo uu sheegay Guddoomiyuhu in Dugsiyada gaarka ah iyo kuwa dawladaba ay dhamaantood hoos yimaadaan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaanu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Markaynu dhinaca kale ka eegno dugsiyada gaarka ah iyo kuwa dowliga ahba labadaba waxaan aaminsanahay inay Wasaaradda Waxbarashadu xukunto, markaa anigu waxaan qabaa sidan qoladan gaarka ahi wax u kala saarayaan in la ogaado in dugsiyada gaaka ahi ay hoos yimaadaan Wasaaradda Waxbarashada, waayo waxaan arkayey saxaafadda qaar qorayey dugsiyada ka madaxa banaan Wasaaradda, waxaanan leeyahay dugsi wasaaradda ka madax banaani ma jiro,mana haboona in carruurta, dugsiyada gaarka ah iyo Wasaarada la isku garaaco, waxaanan leeyahay saxaafaddu haka shaqeyso ardeyda haku amaanaan derajada uu keeno ee yaan wax la qod-qodin labadaba waxa wasiir u ah Samsam Cabdi Aadan, mid walbana waa ardey Somalilander ah laba walaalo ah ayuu midina dhigtaa Nuuradiin midana Faarax Oomar. Anagu waxaanu soo saarnaa oo kaliya natiijada in Dugsiyadu ay is ogaadaan, ardayduna is ogaato, laakiin sidan saxaafaddu wax u qoreyso aad baan uga xumahay.”

Mar guddoomiyaha la waydiiyay inay jiraan siyaasad iyo qorshe ay ku xafidanayaan macalimiinta tayada leh oo la sheego inay ku sui yaraanayaan dugsiyada dawladda waxa uu ku jawaabay.“Way jirtaa oo wasaaraddu waxay imika samaysay haddana la wadaa in qalab cusub loo dhigo waxbarashada sida Maroodi-jeex oo kale maadaama ay u badan yihiin Maroodi-jeex dugsiyada Dowliga ah iyo kuwa gaarka ahiba oo dugisyada iyo ardayda ugu badan ay joogto in wax laga bedelo, sidii kormeerka iyo dabo-galka loo joogtayn lahaa, waad ogtahay marwo Samsam sannadkii hore Tacsibay gashay markaa sannadkan waxaan qabaa inay kor u kici doonaan haddii Alle idmo, dugsiyada gaarka ahina kuma faani karaan macalimiinta gaarna umalaha macalimiintan waa macalimiintii wasaaradda waxbarashada, waxaanay kawada baxeen dugsiyada sare ee dowlada, jadwalkana waa la isku sargoyn doonaa sida dugsiyada gaarka ahi macalinku uga dhigo ayaa laga rabaa in kuwa dawladana uu uga dhigo.

Dugsiyada gaarka ahi waxay macalimiinta siiyaan lacag ka badan tan dowlada ay ka qaataan oo iyagu lacag badan ayay ardayda ka qaadaan, taana waa la xadidi karaa wasaaraddu waxay awood u leedahay inay u samayso xad markaa qorshahaa way ku guda jirtaa wasaaraddu, waxaananu rajaynaynaa in sannadka soo socda uu ka muuqan doono isbedel.”

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN