Wasiirka Waxbarashada oo kulan la yeelatay Wefti Ka socda Xafiiska Raysal Wasaaraha Turkiga

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa xalay xafiiskeeda ku qaabishay wefti ka socday Xafiiska Raysal Wasaaraha Turkiga oo socdaal ku yimid dalka.

Wasiirka oo kulankaasi ka dib aanu khadka Telefoonka , ayaa sheegtay in weftigan ay ka wada hadleen mashaariic ay ku taageerayaan waxbarashada dalka, iyadoo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Weftigan oo ah ka kooban koox balaadhan oo ka socota xafiiska Raysal wasaaraha Turkiga, waxay nagala hadleen oo aanu isla gorfaynaynay mashaariic ay waxbarashada Somaliland ku kaalmeynayaan oo ay ka mid yihiin Mashruuc balaadhan oo ay ku hirgelinayaan Tababaro ardayda Dugsiyada sare lagu siinayo xirfadda Kombuyuutarka. Waxaanay noo sheegeen inay mashruucaasi ay ka go’an tahay inay kala shaqeeyaan wasaaradda waxbarashada oo ay xataa dad ku soo tababari doonaan oo ay u qaadi doonaan Turkiga.”

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo hadalkeeda sii wadatay waxay tidhi “Waxa kale oo weftigan Turkiga ahi ay wasaaradda wax kala qabanayaan laababka dugsiyada sare, waxaanay laabab casri ah dhigi doonaan shan dugsi oo sare. Markaa mashruucan Kombuyuutarada iyo kan laababkaba waxay ka fulin doonaan shan dugsi oo sare oo ay ku bilaabayaan marka hore.”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay inay weftigan uga mahad celisay gacan siinta waxbarashada Somaliland isla markaana ay tafaasiil ka siisay baahiyaha kala duwan ee wasaaradda iyo dugsiyada waxbarashadu u baahan yihiin.

Wasiirka Waxbarashadu waxa kale oo ay sheegtay in weftigani ay sheegeen inay u socdaan inay dalka ka hirgeliyaan ceelal iyo dhaamam cusub.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com