Murashaxiin WADDANI uga sharaxnaa doorashada deegaanka Salaxley Oo Iska Casilay Murashaxnimadoodii

Hargeysa(Somaliland.Org):-Laba murrashax oo Urur-Siyaasadeedka WADDANI uga sharaxnaa degmada Sallaxlay doorashada Golayaasha deegaanka ee la filayo inay ka qabsoonto dalka 28 November 2012 ayaa shalay maqribkii shaaciyey inay iska casileen murashaxnimadoodi deegaanka, isla marakaana ay u diga rogteen kuna biireen Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID.

Labadan murrashax oo magacyadoodu kala yihiin Mustafe Xuseen Daahir iyo Iid Ismaaciil Ragge ayaa waxay ka warameen waxa ku kalifay is-casiladooda wakhtigan iyo waxay ku doorteen inay ku biiraan Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID.

Murrashixiintani waxay sidaa ku sheegeen shir-saxafadeed ay galabta maqribkii ku qabteen Huteelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, shirkaas waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha Xisbiga UCID ee gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan.

Mustafe Xuseen Daahir oo ka hadlayey waxa ku kalifay inuu iska casilo murashaxnimadii uu urur-Siyaasadeedka Waddani uga sharaxnaa degmada Salaxlay ayaa waxaa uu yidhi“Aniga oo magacaygu yahay Mustafe Xuseen Daahir waxaan halkan ka cadeynayaa inaan iska casilay murrashaxnimadii Golaha deegaanka aan uga sharaxnaa Urur-Siyaasadeedka WADDANI Degmada SALLAXLAY iyo xilkii xoghayaha degmadaasi ee aan u qaabilsanaa, isla markaana aan ku biirey Xisbiga UCID, sababta aan ugu biirey Xisbiga UCID waxa weeyaan Maamul-wanaag, Cadaalad iyo siyaasad cad oo toosa, markii aan eegay qodobo baddan oo aan la tashaday xubno kale oo ka mid ah Xisbiyada waxaan ku biirey Xisbiga UCID sababa baddan oo jira awgood,”

“Murrashaxnimadii aan Golaha deegaanka uga sharaxnaa Ururka WADDANI degmada Salaxlay waan iska casilay maanta oo ay taariikhdu tahay 29/9/2012, waxaan u sheegayaa saaxibadeydii kale ee igala sharaxnaa Ururka Waddani iyo dhamaan masuuuliyiinta Waddani sidaas ayaan ula socodsiinayaa”.Ayuu yidhi Mustafe Xuseen.

Murrashax Iid Ismaaciil Raagge oo isna Ururka WADDANI uga sharaxnaa degmada Sallaxlay oo iska casilay murashaxnimadii deegaanka ayaa waxa uu yidhi“Aniga oo magacaygu yahay Iid Ismaaciil Raagge ahaana murrashax golaha deegaanka uga sharaxnaa Ururka WADDANI degmada Sallaxlay waan iska casilay murrashaxnimadeydii oo waxaan maanta laga bilaabo ku biirey Xisbiga UCID iyada oo aan u sababeynayo markii aan arkay geedi-socodka Ururka Waddani ee aan u fiirsaday waxaan go’aansaday inaan murashaxnimadii golaha deegaanka ee Ururka waddani iska casilno oo aan ku biirno Xisbiga UCID”.

Guddoomiyihii hore ee Xisbiga UDUB ee degmada Sallaxlay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku ammaanay Xisbiga UCID inuu yahay Xisbi soo ifaya oo cad cad waxna lagu aamini karo, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Aniga oo ah Guddoomiyihii Xisbiga UDUB ee degmada Sallaxlay ahaa murrashixii deegaanka uga sharaxnaa waxaanan ahaa xubnaha ugu kul kuluul Xisbiga UCID ee ay loolamaan, Faysal Cali Waraabe waxa uu ahaa inaadeerkay laakin waan ka hiiliyey waxaanan uga hiiliyey Xisbigii dawliga ahaa (UDUB) maanta waxaan cadeynayaa oo aan halkan ka muujinayaa inaan loolankii aan kula jirey mid ka adag kula shaqeynayo sida aad maanta arkeysaanba in xildhibaanadii ku jirey ururada kale ay ku soo biirayaan inaad arki doontaan oo sakad sakad iyada oo loogu soo biirayo”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxa maanta indhaha umadda u cad oo ay ku arkayaan inuu Xisbiga UCID uu soo ifayo ama uu yahay Xisbiga kaliya ee wax lagu aamini karo”.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Aadan Sheekh Haaruun oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey Xisbiga UCID labada murrashax ee iska casilay ururka waddani, isaga oo ku qaabilay weji dabacsan iyo soo dhaweyn meeqaam sare ah waxa uu yidhi“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanay in xubno murrashixiin ka ah Urur-siyaasadeedka WADDANI ee degmada Sallaxlay inay iska casilaan murashaxnimadoodi oo ay ku soo biiraan Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID, waxaan ku soo dhaweynayaa qalbi iyo gacmo furan.”

“Kumaanaan qasbin ee iyaga ayaa doortey, iyaga ayaa go’aansaday aanaguna ku soo biirista ay ku soo biireen waanu ka aqbalnay waanan soo dhaweynaynaa, xubnahaasi waxay kala yihiin Mustafe Xuseen Daahir oo ahaa murrashax Golaha deegaanka iyo Iid Ismaaciil oo loo yaqaabo (Cawl) oo isaguna murrashax ahaa waxaanay xubnahani ahaayeen raga ugu muda-karsan ee ka sharaxnaa Ururka Waddani, waxaan leeyahay ku soo dhawaada gacmo furan xilka la idinkama laha oo idinkama sheeganayno, laguma soo kala horeynin waxaan leeyahay way idiin banana tahay ee dhiniciina qabta”.

Somaliland.Org/Hargeysa