Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Qoyskii Marxuum Nuur X. Jaamac Oo ku geeriyooday UAE

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi u diray bahdii tacliinta sare iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum: Nuur X. Jaamac Maxamed (Nuur Camiye) oo ka mid ahaa aasaasayaashii tacliinta Somaliland oo Jimcihii shalay ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

dhambaalkaas tacsida ah oo uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Tacliinta, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid MARXUUM, NUUR X. JAAMAC MAXAMED (NUUR CAAMIYE) oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Taclinta Somaliland, Oo jimcihii ku dhintay Imaraadka Carabta magaalada (Cajman)

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Tacliinta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.