Guddoonka waxbarashada Awdal oo ka hadlay qorsheyaashooda sanad dugsiyeedka cusub

Boorame (Somaliland.Org)- Gudoonka waxbarashada Gobolka Awdal ayaa shir jaraa’id oo ay maanta qabteen kaga waramay laba ujeedo oo kala ah dib u eegista sanad dugsiyeedkii dhamaaday, iyo qorshaynta sanad dugsiyeedka waxbarasho ee soo socda.

Gudoomiyaha Waxbarashada Awdal Mud. Axmed Cige Riiraash oo halkaasi ka hadlay ayaa qiray in 99% in ka badan ardaydii Dugsiyada dhexe iyo sare ee G/Awdal ay imtixaanadii shahadiga ahaa ee 2012 guul ka soo hooyeen.

Gudoomiye Axmed waxa uu qiray inay jirto dareensan yihiina baahi dhinaca Laboratry -ga ah oo ka jirta dugsiyada Sare, sidaasi aawadeed waxa uu sheegay in ay ka hawl gali doonaan sidii loo samayn lahaa ugu yaraan hal LAB oo ay wadaagaan dugsiyada Sare.

Gudoomiye Ku Xigeenka Waxbarashada Awdal Aadan Faarax Maxamuud ayaa waxa uu qiray in hoos u dhaca ku yimid tayadii waxbarasho e Dugsiyada Sare ay ugu wacan tahay maamulayaasha oo qaata arday aan dhamaysan dugsiyada hoose, si taasi looga boxo ayaa waxa uu uga digay Maamulayaasha Dugsiyada Sare inay qaataan arday aan wadan shahaadada Dugsiga Dhexe, hadii tani lagu helona waxa ay xuseen inay mudan doonaan ganaac hantiyeed iyo mid sharci.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame