‘Dekadda Berbera waxay la tartamaysaa marsooyinka caalamiga ah’ Eng. Cali Xoor-xoor

Hargeysa (Somaliland.Org)- Eng. Cali-Xoor Xoor waxa uu dekeda ka dhigay mid u shaqaynaysa si taabo-gal ah oo dabooshay adeeggii marsadu u baahanayd oo dhan.

Waxaana agabka iyo inkaaniyaadka uu Maareeyuhu hirgeliyay ay sahashay hawsha dejinta iyo rarista badeecadaha kala duwan. Dekada Berbera waxay xiligan u muuqataa mid la tartamaysa dakadaha wadamada gobolka Geeska Afrika.

Waxa kale oo uu Dekeda soo gaadhsiinay heer deked caalami ah oo Soomaali oo dhan u shaqaysa si ay u noqoto mid , qalabkeeda iyo shaqaalaheeduba ay daboolaan kaalinta,qaranka ugu jirto waxaana la odhan karaa halka ay marayso maanta waa meel aad u saraysa, shaqaalahana waxa uu aad uga dhisay dhinaca aqoonta si ay u noqdaan kuwo la tartamaynaa Dekedaha caalamka.

Maareeyaha Dekaddu waxa uu ku guulaystey inuu keenno waax u gaar ah rogista rarka Doonyaha Dekadda ku soo xidha, “Waxaannu samaynay qayb u gaar ah Doonyaha oo runtii cabasho badani ka taagnayd, taasina waxay keentay Doontii 12-ka Maalmood lagu rogi jiray in lagu rogo Afar maalmood oo keliya. Waxaannu wax badan ka qabannay dib-u-dhiska Dekadda oo meelo ka mid ahi ku dhawaadeen inay Xagga badda u dhacaan, illaa 254 Mitir ayaannu dhammaynay oo maanta Dekadda kale ka qurux badan, sidoo kale markii aannu taas dhammaynay waxaannu bilawnay inaannu wixii kabkab u baahnaa ee qaybaha Dekadda inaannu samayno oo aannu dhammaystirno. Waxaannu imaka gacanta ku haynaa meel Koontiinarrada Dekadda yaalla la dhigi karo.

Dekaddeennu waa saddex Dekadood oo isku jira, Dekaddii Xoolaha, Tii Kontiinerrada iyo Dekadda Kaargoog,”ayuu yidhi Cali Xoor Xoor oo dhawaan u waramayay warbaahinta dalku.

Sidoo kale Maareeyuhu mar uu ka hadlayay Qorshaha horumarinta Dekeda waxa uu yidhi “Waxa noo qorshaysan in dekeda la dhiso oo dib u habayn casri ah lagu sameeyo, oo la kordhiyo , mar kasta Dekedu way buuxdaa oo badeecadaha soo degayaa way soo badanayaan weliba wakhtigan, markaa waxa aanu u raadinaynaa maalin gelin Dekeda iyo in deked kale laga ag dhiso”.

Dekeda Magaalada Berbera ayaa beryahan dambe waxa ka muuqda horumar weyn oo ay ku tallaabsatay , iyada oo bulshada reer Berbera intooda badani ay u shaqo tagaan Dekeda oo ay ka helaan shaqooyin kala duwan oo ay ka helaan nolol maalmeedkoodd.

Waxa kale oo Maareeyahu dekedda ku soo kordhiyey mudadii uu xilka hayey qalab Cusub oo ah qalabka lagu rogo koontenarada oo runtii mid wax wayn ka tari doona rogida koontiindharadda oo iyagu imika ah kuwa ay ganacsatada oo dhami ku soo xafidaan badeecadohooda kala duwan.

Dhanka kale Maareeyaha dekada Berbera Md. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), waxa uu Mushahar kordhin uu u sameeyey dhammaan shaqaalaha dekeda oo aan iyagu markii hore ku jirin ama aan ka qayb qaadnin mushahar kordhintii hore ee shaqaalaha dawlada loo sameeyay, la tashi Madaxwayne ka dib waxa uu shaqaalaha marsada berbera uu u kordhiyey maareeyahu 50% si ay ula mid noqdaan shaqaalaha kale.

Md. Cali Xoorxoor mar uu arrimahasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaan ku faraxsa nahay mushar korodhintani shaqaalaha 50% aanu ku korhdino iyada oo uu iga ogolaaday madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyad aoo hore uga qaybgalin shaqaalahan dekedu mushar kordhintii shaqaalaha dawladda aad iyo aad baan ugu farax sanahay.”

Maareeyaha dekeda Berbera ayaa mahadnaq u jeediyay madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in uu ka ogolaaday in mushahar kordhintani loo sameeyo shaqaalaha dekedda. isla markaana in aanay mushahar kordhinta shaqaalaha dawladdu noqon doonin mid halkaasi ku eeg, balse halkaasi laga sii wadi doono waxa sidaasi yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Eng:Cali Cumar Maxamed.

Eng: Cali: waa nin ku shaqeeya qaabka loo yaqaano firfircoonaanta iyo raali galinta bulshada uu u adeego waana qof aan lahayn caajis ama cadho badan ,habka noocan ahi waa hab siinayaa shaqaalaha xorriyad badan iyo waqti ay shaqaaluhu ku horumarin karaan aqoontooda, maareeyuhu wuxuu u sheegaa shaqaalihiisu sida ay wax u samaynayaan waxaana uu u dejiyaa waxa laga rabo in ay gaaraan (targets) iyo ugu dambayn goorta laga rabo (deadlines).

Kadib iyaga ayuu uga tagaa maadaama ay shaqaaluhu shaqaddii loo baahnaa qabteen heerkii loo baahnaana gaarsiiyeen waxba kama gelin wadooyinka ay u mareen.
Qorshaynta iyo nidaaminta shaqadd, Maaraynta iyo kormeerida shaqo maalmeedka dekedda, Toosinta, ilaalinta iyo fulinta shaqadda, Dhisida xidhiidhka macaamiisha iyo shirkadda, Dejinta qorshaha iib-gaynta iyo suuq-gaynta badeecadda ama adeega shirkadda, Diyaarinta qorshe sannadadeedka iyo wargelinta maamuladda kale, Xalinta wixii khilaaf ah ee soo baxa sida ugu dhakhsaha badan.

Axmed Macalin Maxamuud