Afar Xildhibaan oo laga saaray Golaha Wakiilada Somaliland markii ay xilkoodii gudan waayeen

Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta xubinimadii aqalkaasi ka saaray afar Xildhibaan oo 20 Kal-fadhi oo isku xiga aan ka soo daahirin fadhiyada Golaha Wakiilada.

Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ka sheegay magacyada afartan Xildhibaan ee xubinimadoodii waayay ka dib markii ay sida uu dhigayo xeer hoosaadka aqalkaasi ay maqnaadeen labaatan kal-fadhi oo isku xiga.

Afartan Xildhibaan waxay magacyadoodu kala yihiin Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud, Xildhibaan Axmed Maxamed Cali, Xildhibaan Mahdi Xaaji Xasan Sugaal iyo Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil.

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in iyadoo laga duulayo qodobka afar iyo tobnaad farqadiisa labaad ee xeerka doorashooyinka golaha wakiilada Xeer No 20/2005 waxaa Goluhu u gudbinayaa gudida Doorashooyinka qaranka si ay u soo buuxiyaan boosaskaa banaanaaday laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 29 September.

Fadhiyada Golaha Wakiiladda ayaa inta badan kooram la’aan u baaqda, iyadoo aanay jirin wax tallaabo ah oo laga qaado Xildhibaanada seg-saaga gudashada waajibaadkooda shaqo.

Waa markii u horeysay ee Golaha Wakiilada Somaliland ay tallaabo noocan oo kale ah qaadaan tan iyo markii la soo doortay dabayaaqadii sanadkii 2005-tii.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com