428 Arday Oo Ka Qalin-jabiyay Jaamacadda ALPHA Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org) – Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay dufcadii koowaad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Alpha University College ee Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo tiradoodu dhamayd 428 Arday oo ka qalin-jabiyey Kuliyaddaha Kala Duwan Ee Jaamacadda.

Munaasibada oo maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga talada haye ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Sheekh Aadan X. Maxamuud (Aadan-siiro), Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha Maxamed Xuseen Mu’adinka, Macalimiinta, Waalidiinta Ardayda iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha Jaamacada ALPHA Maxamed Xuseen Mu’adinka oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ardayda ku hambalyeeyay qalin-jabintooda, isaga oo sheegay in ardayda Jaamacada ka baxday ay dhan yihiin 428 arday oo bartay lix kuliyadood kala duwan, kuwaasi ah oo dufcadii koowaad ee Jaamacada ka qalin-jabisa.

Guddoomiyaha jaamacadu waxa uu sheegay in jaamacadu culuumta ay bixisaa yihiin kuwo ku dhisan Manhajka jaamacada ALPHA ee dalka Itoobiya oo qaybteeda koowaad ku taallo Magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Guddoomiye Maxamed Xuseen Mu’adinka, waxa uu tilmaamay in jaamacadu soo martay Marxalado kala duwan iyadda oo hore jaamacada loo odhan jiray LUCY, balse ay hadda xidhiidh la leedahay jaamacada ALPHA ee dalka Itoobiya, taasi oo ka mid ah jaamacadaha ugu wanaagsan ee bixiya aqoonta sare ee tayadeedu sareyso.

Guddoomiyuhu waxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoonta sii wataan oo aanay halkaa kaga hadhin, loona baahan yahay in aqoonta ay barteen ka muuqato, maadaama oo ay ka gudbeen ardaynimadii oo hadda ka dib loogu yeedhayo Mutacalimiin.

Munaasibada oo ay hadalo ka jeediyeen Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada ALPHA ee Addis-ababa iyo Maamulayaasha kuliyadaha kala duwan ee ardaydu barteen, ayaa isaguna waxa ka hadlay Agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada Waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, waxaanu u hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay, isaga oo tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in arday intaasi leeg mar kaliya dalka iyo dadka u soo qalin-jabiyaan “Dedaalka waxbarashada Somaliland waxa uu ku yimid iskaashiga Muwaadiniinta”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Jaamacada ALPHA waxay ka mid tahay jaamacadaha aanu wasaarad ahaan xidhiidhka la leenahay”

Khadar Axmed Diiriye, waxa uu sheegay in qabyaalada lagaga bixi karo aqoonta oo la kobciyo “Qabyaalada waxa lagaga gudbi karaa aqoonta oo la kobciyo”ayuu yidhi, isaga oo amaanay maamulka Jaamacada ALPHA.

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geell-jire) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyada ardayda ka dib kalmado kaftan ah ku tuuray Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo halkaasi joogay, isaga oo sheegay inuu Muuse Biixi u yaqaano magaca ah Muuse Biixi Kaahin, taasi oo uu ku macneeyay inay saaxiib yihiin Maxamed Kaahin Axmed iyo Muuse Biixi.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo Mahad-naq balaadhan u soo jeediyey Ardayda Jaamacadda Alpha ka qalin ?jebisay, waxaanu kula dardaarmay inay Shoqo abuuris la yimaadaan oo ay Aqoonta ay barteen ummadda wax ugu qabtaan.

Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si kaftan ah u sheegay haddii madasha qalin-jabinta ay ka maqan yihiin Madaxwayne Siilaanyo iyo Madaxwayne ku xigeenku aan la tabayn, maadaama oo uu meesha joogabuu yidhi Musharax Madaxwayne “Haddii Madaxwaynihii iyo Madaxwayne ku xigeenkii maqan yihiin, waxaan idiin sheegayaa waxa joohga Musharax Madaxwayne oo waxba ma maqna”

Munaasibada oo sidoo kale ay ka hadleen Sheekh Aaden Siiro iyo Guddoomiyaha Kulmiye ayaa waxa ardayda shahaadooyinkooda guddoonsiiyay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Xaflada waxa shahaadooyin sharafeed lagu guddoonsiiyay ardaydii ugu saraysay kuliyadaha ardaydu ka qalin-jabiyeen Wasaarada Waxbaashada, Wasiirka Madaxtooyadda iyo Telefiishanka Qaranka.

Sidoo kale, waxa shahaado sharafyo gaar ah la guddoonsiiyay ardaygii ugu sareeyay Jaamacada Jamaal Aaden Diiriye iyo ugu sareyey iyo gabadhii ugu sareysay hablaha qalin-jabiyey Saynab Cabdirisaaq Cali.

Khadar Maxamuud Cismaan
Somaliland.Org/Hargeysa