Kulan lagaga Hadlayey Xal u Helida Shaqo La’aanta Ardayda Jaamacadaha oo lagu qabtay Hargeysa

Ardayda sannadkan ka qallinjebisay kulliyadda jaamacadda ADMAS oo la kulmay shaqo bixiyayaasha iyo Dahabshiil oo maal-galisay

Hargyesa (Somaliland.Org)- Kulan lagu lafagurayey mushkiladaha shaqo la’aanta iyo duruufaha ku gedaaman dhallinyarada reer Somaliland ee ka soo baxay jaamacadaha kala duwan ee dalka, si looga badbaadiyo tahriibka, ayaa lagu qabtay habeenimadii Jimcaha huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xaflad si qurux badan loo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah ardayda sannadkan ka qallinjebiyey kulliyadda maamulka iyo maaraynta ganacsiga jaamacadda ADMAS qaybteeda Hargeysa oo hordhac u ah munaasibadda qallinjebintooda oo dhawaan la qaban doono, isla markaana ay maalgelisay Dahabshiil Group, laguna casuumay shirkadaha iyo hay’adaha shaqo bixiyayaasha ah sida shirkadaha Dahabshiil Group, ururka Shaqo-doon, ururrada wadaniga ah ee ay ka mid yihiin ODHA, PENHA, CABA, ururka SONYO, ganacsato kala duwan iyo marti sharaf kale, waxa ujeedada lagaga hadalyey ahayd sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada ka soo baxaysa jaamacadaha dalka si looga badbaadiyo tahriibta.

Hadallo iyo fikrado la isku waydaarsaday kulanku intii uu socday waxa laga soo jeediyey tallooyin kala duwan oo ku wajahan sida ugu habboon ee dhallinyaradu u heli karaan shaqooyin, iyadoo lagu ammaanay ganacsatada iyo hay’adaha kaalmaha hore kaga jira shaqo abuurka sida shirkadaha Dahabshiil oo si gaar ah loogu tilmaamay inay kow ka yihiin shaqo siinta dhallinyarada jaamacadaha ka baxda.

Siciid Cismaan Axmed oo ka mid ah ardayda soo qabanqaabisay kulanka oo furitaankii hadal ka jeediyey, ayaa ka warramay dhibaatada shaqo la’aanta ee haysata dhallinyarada reer Somaliland ee ka qallinjebiya jaamacadaha dalka, kuwaas oo in badan oo ka mid galaan tahriib ay dhibaatooyin waaweyn kala kulmaan. “Markaanu aragnay shaqo la’aanta iyo niyad-xumada soo wajahday dhallinyarada ka soo qallinjabisay jaamacadaha dalkeena waxaannu u tafaxaydanay inaannu raadino qaab lagaga bixi karo mushkiladda shaqo la’aanta ee dhalinyarada,” ayuu yidhi Mr. Siciid.

Waxa kale uu Siciid Cismaan ku dhiirigeliyey Madaxweynaha Somaliland inuu waayo-aragnimadiisa iyo aqoontiisa la kaashado sidii ay dhallinyarada dalku shaqo u heli lahaayeen ee loogu abuuri lahaa fursado hal-abuurnimo oo badbaadiya.
“Ilaahay baa mahad leh ee aniga oo ku hadlaya magaca ardayda Jaamacadda Admas waxaannu mahad ballaadhan u jeedinaynaa shiradaha Dahabshiil Group oo naga caawiyey maalgalinta kharashaadkii ku baxay xafladdan oo aannu annagu weliba ka dalbanay,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Siciid Cismaan.

Madaxa xidhiidhka dadwenaha iyo warbaahinta ee shirkadda Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis) oo madashaasi ka hadlay, ayaa dhallinyarada u sharraxay fursadaha shaqo ee ay heli karaan oo uu xusay inay ku xidhan tahay dadaalkooda iyo aqoontooda, isagoo sheegay inay shirkad ahaan kaalin weyn kaga jiraan shaqaalaysiinta iyo isgarab-taagga ardayda jaamacadaha ka qallinjebiya.

“Dahabshiil-kan aad maqlaysaan xageebuu ka yimi ma waxaad u malaynaysaan inuu helay iyadoo ay lacagtu jawaano iyo karaatoon ugu jirto, waa maya ee wuu u shaqo tagay. Waxaan idinku dhiirigalinayaa inaydaan ka caajisin sidii aad shaqo ku heli lahaydeen oo aydaan is odhan guriyihiina iska fadhiya shaqo helimaysaane,” ayuu yidhi Xasan Xiis.

Waxa kale oo uu sheegay in la dhaafay waqtigii habka shaqaalaynta lagu qaadan jiray qabyaaladda iyo eexda, waxaannu yidhi, “Maanta ma jirto shaqadii lagu raadin jiray qabyaaladda iyo eexashada, balse waxa lagu qaataa ardayda jaamacadaha ka soo qallinjabiyey heerkooda aqoonteed iyo shahaadooyinkooda. Waxaan filayaa inaad ogtihiin Dahabshiil Group qaybaheeda kala duwani inay yihiin shirkadaha ugu shaqaalaysiinta badan ardayda ka soo baxda Jaamacadaha dalka, sannad kastaba Dahabshiil Group waxay qaataan tiro badan oo ka mid ardayda ka soo qallinjabisa jaamacadaha, waxaanay dhallinyarada ugu badan ee maanta Somaliland ka shaqeeyaana ka hawgalaan qaybaha kala duwan ee Dahabshiil Group,” ayuu yidhi Xasan Maxamed Jaamac.

Mr. Cadnaan oo ah sarkaal ka socday ururka Shaqo-doon oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay fursado shaqo abuur u hayaan dhallinyarada ka soo qallinjebisa jaamacadaha waddanka, isla markaana ay sii wadi doonaan dadaalladooda inay xirfado shaqo u sameeyaan da’yarta, “Waxaannu sannadkan gudihiisa dhawaan qaadanaynaa 500 arday oo aannu tababar u furi doono, dhawaana waxaannu sannadka soo socda qaban doonaa waxa la yidhaado u sinaanshaha shaqada (Job Fair),” ayuu yidhi Mr. Cadnaan.

Siciid Maxamed Axmed oo ka socday Dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa sheegay inay markasta u taagan yihiin sidii ay dhallinyarada Somaliland shaqo ku heli lahaayeen, isagoo tilmaamay in wadatashi laga bixi karo shaqo la’aanta da’yarta, waxaannu yidhi, “Dhallinyarada, xukuumadda iyo ganacsatadu haddii ay miiska si caafimaad qabta u wada fadhiistaan waxaannu shaki ku jirin inay wax waliba hagaagi lahaayeen.”

Madaxa ururka CABA oo taakulooyin amaah iyo gargaar ahba dadka siiya Mr. Rashiid Sulub Caalin oo halkaasi ka hadlay ayaa si faahfaahsan uga hadlay caqbadaha shaqo la’aanta dalka ka taagan iyo sida looga bixi karo oo ay uu ugu horreeyo in samir lala yimaado, lana yeesho hal abuurnimo iyo dadaal.

“Waxa keliya ayaan shaqo ku heli karaa inaan samir yeelano oo aynaan meelahaa uun iska warwareegin oo aan dhaqankeena iyo maskaxeedaba bedelno, haddii aad shaqo doonaysaan waa inaad la timaadaan wixii aad shaqo ku lehi lahaydeen, qofka shaqda doonayaa waa inuu dadka ka duwanaadaa oo shaadhkeedoo soo gashadaa.” “Haduu kii baxkhaarka lahaa isagii iibinayo jumladdii iyo tafaariqidiiba, haddii uu hooyadii yidhi hortayda shaaha ku kari side baynu shaqo ku helaynaa ma been baynu isku sheegaynaa,” ayuu yidhi Mr. Rashiid Sulub.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed oo isaguna madashaasi ka hadlay, ayaa xusay inay lagama maar maantahay in marka hore dhallinyaradu la yimaadaan niyad-wanaag kadibna muujiyaan samir iyo dedaal joogto ah.

“Sidii hore loogu celceliyey maaha inuu qofku dad kale uun u shaqeeyo ee waa inuu gaar ahaantiisa ugu dedaalaa sidii uu u abuuran lahaa shaqadiisa gaarka ah. Markii dawladdu ku dhawaaqday inay dadka ajaabibka ahi dalka ka baxaan waxaannu ogaanay in aanay dadkeenu diyaar u ahayn inay qabsadaan shaqooyinka qaarkood, dadkeenii ma shaqaysanayaan waayo shaqooyinka qaarkood waxaanu ogaanay inaanay qaban karin,” ayuu yidhi Baashe Yuusuf.

Gebogabadii kulankaasi waxa dhallinyaradii ka qaybgashay su’aalo kala duwan waydiiyeen masuuliyiinta ka kala socday shaqo bixiyayaasha, gaar ahaan Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta Shirkadda Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac oo isagu uga jawaabay, waxaanna isaga halkaasi lagu siiyey shahaado uu ku mutaystay tilmaamaha iyo dhiirigelinta uu siiyo ardayda ka baxda jaamacadaha.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com