Hoggaamiyaha Ururka WADDANI Oo si diiran loogu soo dhaweeyay London

London-(Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa saaka gaadhay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu socdaal shaqo ku tagay isaga iyo wefti uu Hoggaaminayay oo ka mid ah ururka WADDANI.

Weftiga Guddoomiyaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka magaalada London ee Heathrow Airport , waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta urur siyaasadeedka WADDANI iyo xubno tiro badan oo ka mid ah taageereyaasha ururkaasi.

Waxa weftigan xubno ka ah Mustafe Cabdilaahi Jaamac oo ahaa Guddoomiyihii urur siyaasadeedkii HORYAAL ee dhawaan la midoobay WADDANI iyo Axmed Xasan Cigaal oo ahaa wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Shiina oo todobaadkan ku biiray WADDANI iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo taageereyaashii soo dhaweeyay hadal u kooban u jeediyay ayaa si weyn ugu mahad celiyay dadkii soo dhaweeyay, waxaanu uga waramay socdaalkiisa iyo doorashada Goleyaasha deegaanka ee 28-ka Bisha November ee sanadkan lagu wado inay dalka ka qabsoonto.


Guddoomiyaha iyo weftigiisa waxa loo galbiyay Huteelka loogu sii tallo galay in la dejiyo iyadoo maalinta bari ah ee Sabtidana ay gudo gali doonaan kulamo kala duwan oo ay la yeelan doonaan laamaha urur-siyaasadeedka WADDANI ku leeyahay Gobolada dalka Britain.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com