Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Maraakiibtii ruqsada kalluumaysiga haystay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa maanta ku dhawaaqday inay muddo sanad ah maraakiibta ajaanibka ahayd ee ay ruqsada u siiyeen inay ka kaluumaystaan badda soomaaliland.

Wasiirka wasaarada kaluumaysoiga iyo khayraadka badda Mud, C/llahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa,ayaa sheegay in ay go’aan ka soo saareen maraakiibta ajaanibka ah ee badaha dalka ka kaluumaysta oo uu ku eedeeyay inay xaalufin baahsan ku hayaan xeebaha Somaliland.

Wasiirku sheegay in markii ay daraasad iyo daba-gal badan ku sameeyeen maraakiibta ka jilaabta biyaha Somaliland ee ruqsada la siiyay ay ku xadgudbeen nidaamkii loo dejiyay.

Md. Cabdilaahi Geel-jire waxa uu sheegay inay maraakiibta shisheeye ay ka soo gudbeen Jiidihii loo asteeyey inay ka jilaabtaan,iyaga oo adeegsanaya shaabaag aan ahayn kuwii loo ogolaaday,kuwaasi oo wax yeelo u gaysanaya noolaha kale ee badda ku jira.

“Markii aanu dhagaysanay tallo bixintii madaxweynaha Somaliland isla markaana aanu daraasad ku samaynay dhibaatada ay maraakiibtaasi shisheeye ku hayaan xeebta, waxaanu goo’aaminay in hakinay maraakiibtii ruqsada u haystay kalluumaysiga illaa amar dambe,”ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com