‘Wasiirka Madaxtooyadu waa nin dhalinyaro ah, wuu muuqdaa, sababta oo ah shaqadiisa ayuu yaqaanaa’

‘Furitaan la’aantii ururadda siyaasaddu waxay dalka ka baajisay sadex doorasho’

‘Wasiirka Daakhiligu waa nin u abuuran oo hibo u leh suluxa iyo iswaafajinta dimuqraadiyada’

‘Doorashadani waa mid lagu korinayo dimuqraadiyada oo aynu iimaankeena ku baalashaynayno’

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa difaacay Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu ku sifeeyay inuu yahay nin dhalinyaro ah oo shaqadiisa yaqaana.

Wasiir Ku xigeenka warfaafinta oo caawa u waramayay Barnaamijka ‘DhAB KA HADAL’ ee ka baxa SLNTV, waxa kale oo uu waraysigaasi kaga hadlay aragtidiisa la xidhiidha hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Daakhiliga oo dadka qaar qoonsadeen, arrimo badan oo doorashada ku wajahan , waajibaadka wasaaradda warfaafinta iyo siyaasada dibada Somaliland.

Waraysigaasi oo aad u xiiso badnaa wuxuu u dhacay sidan:-

S: Wasiir, bal nooga waran waajibaadka wasaaradda warfaafinta Somaliland ee aad madaxda ka tahay?

J: Marka u horeysa Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelintu waxay ka mid tahay uun Wasaaradaha dalku leeyahay. Dhab ahaana shaqadeedu waxa weeye waa Hoggaaminta siyaasadda iyo maamulka warbaahinta dawlada iyo Tilmaan ka bixinta iyo la xidhiidhka saxaafada madaxa banaan.

Waxa jira wadamo aan loogaba baahan Wasaarada warfaafinta, laakiin dalkeena iyo dunida sadexaadba inta badanba lagama maarmo in wasaaradda warfaafintu jirto. Sababo la xidhiidha wacyigelinta , korinta Suxufiyiinta ku wajahan iyo isla jaan-qaadida dimuqraadiyadeena koraysa. Saxaafadeena, dimuqraadiyadeena iyo xoriyadeena oo dhan baa isku da’a ah.

Idaacadii waynayd ee Radio Hargeysa way dhan tahay, waa la rakibay oo waaba la dhagaystay oo waa tii dhawr iyo toban maalmood tijaabada ku jirtay.

Waxa laga dhagaysanayaa illaa Afrikada dhexe, dalalka khaliijka oo dhan. Waxay gaadhaysaa dhulkii ugu balaadhnaa ee idaacad afsoomaali ahi gaadho marka laga reebo VOA-da iyo BBC-da. Waana ALLE mahaddii. Qof kasta oo miyi iyo magaalo jooga, baabuur saarani wuu heli doonaa. Waxaan filaynaa in si rasmi ah loo furo todobaadka ugu horeeya bishan October ee fooda inagu soo haysa.

S: Wasiir, sidee ayaad u aragtaa hadalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ku saabsanaa in ay xubno ka mid ah xukuumaddu raad ku lahaayeen doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo inay dawladu cafis u fidinayso dhalinyarada Somaliland ka tagtay ee AL-SHABAAB ka tirsan?

J: Horta Marka hore Wasiirka Arrimaha Guduhu waa nin Golaha Wakiiladda ka mid ahaan jiray, waa siyaasi mudadii uu xilka hayayna wuu muuqday. Wuxuu la yimid karti badan oo wuxuu ku guulaystay dhawr meelood oo shaqaaqooyin ka dhaceen haddii ay bariga shishe tahay iyo haddii ay galbeedka dalkaba tahayba ayuu xalintooda ku guulaystay. Waana dadka u abuuranba xalinta arrimahaasi oo aad moodo odaynimada, suluxa iyo siyaasada is waafajinteeda in ILAAHAY hibo u siiyay.

Waa nin xilkiisa mudan. Laakiin hadalkiisa sidan loo qaad-qaadayo ee loo ruxayo midna u malayn maayo inay macno badan oo sidaasi ku sii jireen. Haddii uu yidhi inanka dhalinyarada ah ee la khalday ee ku jira kooxaha dagaalamaya AL-shabaab iyo Argagixisadaba ee iimaankiisa ALLE u soo celiyo ee ka noqda, qarankiisii baanu nahaye’e waanu saamaxaynaa haddii uu yidhi Wasiirku haddaa muxuu odhan lahaa? Ma wuxuu odhan lahaa waanu cadaabaynaa haddii ay soo waan-toobaan.?

Hadalkaasi waxa uu ahaa mid caadi ah oo aanay ku jirin wax sidaasi loogu sii tiigaalaa.

S: Mudane Wasiir wada hadal ayaa u socday Somaliland iyo Soomaaliya imikana dalkaasi isbedel baa ka dhacay sidee loo waajahayaa wada hadaladii hore ee labada dal?

J: Wasiirkeena Arrimaha dibaddu in badan buu ka hadlay oo si waadax ah ayuu u hadlay, Madaxweynaha Somaliland-na marar badan ayuu Tafsiir hore uga bixiyay. Waxa weeye Mabda’iyan wada hadalada aynu Soomaaliya la leenahay iyo marka mid Soomaaliya ahi hadlo ayay dadkeena qaarkood xaska dabada dib u galiyaan oo ay yidhaahdaan oo ay yidhaahdaan sowkan Sh. Shariif hadlay ee yidhi wada hadaladda waxaanu ka doonaynaa midnimo. Dee haddii uu hadlay oo uu sidaasi yidhi dee isagu wada hadalada sidaasi ayuu ka doonayaa.

Inaguna (Somaliland) waxaynu ka doonaynaa aqoonsigeenii jidkii aynu u maraynay. 21 sano ka dib waxa khasab noqotay inaynu nimankii ay wax inaga dhaxeeyeen ee walaalaheen ahaa aynu iska furdaamino in dawladnimadeenii iyo aqoonsigeenii ay raagayso ayaa muuqatay. Markaa waxaan leeyahay wada hadaladani waa dariiqii aynu aqoonsigeena u maraynay. Siyaasadeena dibaduna aad iyo aad ayay u furfuran tahay.

Hoggaanka isbedelay ee Soomaaliya waxaynu ka sugaynaa waxa weeye inuu diyaar u sii yahay in wada hadaladii labada dal halkii ka sii socdaan oo si fiican loo kala gurto, jaar loo ahaado, walaalo isu hiiliya la noqdo oo ku wada jira Urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrikaba isla markaana qarramadda midoobayna soo wada fadhiista oo aynu noqono laba wadan oo xuduud kala leh oo waxaynu Jabuuti isku nahay uun isku ahaano.

S: Wasiir, Ururadii siyaasada waa la furay oo doorashadii deegaanka ayaa la galayaa, waa maxay dareenkaaga ku wajahan culayska doorashada iyo ururka WADDANI oo la leeyahay xukuumadda ayaa dabada ka riixaysa?

Waa ILAAHAY mahaddii haddii madaxweynuhu furay ururadii siyaasada, waxay arrintani ku jirtay balanqaadyadii madaxweynuhu sameeyay ololihii doorashadii madaxtooyadda, ururadaasi siyaasadda ee Madaxweynuhu furay waxay ahayd caqabad hortaagnayd Geedi-socodkii dimuqraadiyada iyo doorashooyinka. Furitaan la’aantii uu Daahir Rayaale furi waayay ururadda siyaasadda waxay dalka ka baajisay sadex doorasho. Markaa waxay noqotay in dimuqraadiyadii hakatay. Sidaasi awgeed, waxa uu furay ururadii markii uu qeybihii bulshada oo dhan waydiiyay, sidaasi ayaa lagu furay ururada siyaasada, Baarlamaankiina wuu ansixiyay. Xukuumaddu dedaal weyn ayay u gashay inay qabsoonto doorashadu waxaanay dhacaysaa xiligii loo cayimay.

Arrintan aad I weydiisay ee ururada dabada laga riixayo, xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo waa madaxweynihii ka dhashay xisbiga KULMIYE xisbi kale kuma jiro oo xisbigaasi ayuu ku jiraa.

WADDANI-se Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Guddoomiye ka ah. Kuwa yidhaahda WADDANI ayaa dabada laga wadaa waa qaar leh uun maxay u murmi waayeen Baarlamaanka iyo xukuumaddu. Laakiin waxa lagu daray caqli Baarlamaan iyo xukuumad is eryada waa lagu xiiqay, waxba is eryan mayno. Laakiin wixii isaga (Guddoomiyaha Wakiiladda) shuruucdu u ogoshahay u diidi mayno. Waxay shuruucdu waajib kaga dhigtana ka reebi mayno.

S: Markaad isku miisaanto xilkii hore aad u haysay ee Afhayeenka madaxtooyada iyo Wasiir Ku xigeenka warfaafinta siday kuula muuqataa?

J: Madaxtooyaddu waa xafiis ka mid ah xafiisyada dawladda, xafiiska Afhayeenku ma aha xafiis xil siyaasadeed ah. Waa xafiiska saxaafada ee Madaxtooyada. Imikana waxaan ahay Wasiirka Saxaafada ee xukuumada intay labadan xafiis isku jiraa waa intaasi. Wasiir Ku xigeenku waa xil siyaasadeed waa xubin Golaha Xukuumada ka mid ah. Labada goorba saxaafad uun buu ka shaqaynayaa marna Oday buu u yahay marna waa ka mid.

S: Wasiir, waxa jira in dadka qaar yidhaahdaan Wasiirradu way ku kala awood badan yihiin xukuumadda, tusaale ahaan Wasiirka Madaxtooyada oo kale maxaad ku tilmaami kartaa in xilkaasi noqda ka u hadal haynta badan?

J: Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu la mid yahay uun Wasiirrada kale, dadkii waxaad arkaysaa iyadoo aanay hadal hayntoodu macno badan ku dhisnayn. Wasiirka Madaxtooyadu waa nin dhalinyaro ah oo wuu muuqdaa, sababta oo ah shaqadiisa ayuu yaqaanaa. Markaa mid xaasidaana wuu hadal haynayaa. Mid la tartan is lihina wuu hadal haynayaa, mid wixii uu ka doonayay ka waayayna wuu hadal haynayaa.

Mid Madaxweynaha inuu soo arko yara doonayay oo uu u diidayna wuu hadal haynayaa. Waayo waa albaabka madaxweynaha looga galo. Wasaaradda madaxtooyaduna shaqo kaleba ma haysee. Waxay haysaa uun maamulka madaxtooyada, waana gacan yarihii madaxweynaha.

Wasiirrada kale waxa Wasiirka madaxtooyadu dheer yahay oo qudha saacadaha uu arko madaxweynaha ayaa ka badan kuwa kale. Laakiin awood ahaan iyo xil ahaan waa isku mid.

S: Waxa jirtay in markii xukuumadani xilka qabatay aad loo soo bandhigi jiray waxqabadkeeda, mudooyinkan dambe aad looma hadal hayo, ma waxqabadkii baa is taagay mise sheegitaankii ayaa is taagay?

J: Aad baan uga xumahay waxqabadkii isma taagin, xukuumaduna may xiiqin oo xawaarihii ay waxqabadka ku bilowday way ku socotaa. In kasta oo la moodo in waxqabadkii joogto ayuu noqday. Waxaan kuu xaqiijinayaa xafiiskan saxaafada ee madaxtooyadu waxa aanu samayn jirnay Buug baanu daabici jirnay, buugaasi sadexdii biloodba mar ayaanu soo bandhigi jirnay oo daabici jirnay.

Xilkaasi wasaaradda warfaafintuna way leedahay markaa halkan (Wasaarada warfaafinta) ayaanu imika ka bilaabaynaa oo xafiis baanu samaynaynaa sameeya waxqabadkii xukuumaddan illaa maalintii ay dhalatay Somaliland. Waxaanan ku soo bandhigi doonaa iyagoo filimo ah iyo iyagoo qoraalo ah oo daabacan.

S: Ugu dambayn maxaad soo jeedinaysaa in la sameeyo doorashadan deegaanka ee dhawaan la galayo?

Waxaan leeyahay Doorashaddu wax weyn bay inoo tahay, isbedel bay inoo tahay qaran ahaan. Waxay inoo tahay muwaadiniin qaar xil hayaan qaar kalena la tijaabinayo. Waxa kale oo ay inoo tahay dimuqraadiyadii oo koraysa iyo iimaankeenii oo aynu dib u baalashaynayno. Markaa doorashooyinku sidii nadiifta ahayd ee ay inoogu dhici jireen ayaan ku rajo-weyn nahay inay tana inoogu qabsoonto haddii ALLE yidhaado.

Ururadda siyaasada ee tartankan ka qeyb galayana waxaan leeyahay qalbi adayga, cabashadana iska daaya jidkana waa mid hortiina la soo maray, dabadiina la mari doono. Waxaan leeyahay kartidii aad ku soo gaadheen heerkan ku adkaysta.

Dadkana waxaan leeyahay waa inay yidhaahdaan waxaan wax ku dooranaynaa waxqabad iyo qorshe ee kuguma dooranayo isku qolo ayaynu nahay. Waayo xil ummadeed ayaa la qabanayaa. Markaa sabab qabyaalad wax loogu doortaa ma jirto.

Cumar Maxmaed Faarax
Somaliland.org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com