Wasiirka Ciyaaraha oo Mudeeyay Tartanka Ciyaaraha Goboladda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha, dhalinyarada iyo dhaqanka Somaliland Md. Cali Siciid Raygal ayaa maanta si rasmi ah u muddeeyey xiliga la qaban doono ciyaarahii Gobolada Somaliland.

Wasiirka ciyaaraha oo maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa shaaca ka qaaday in dhamaadka bisha Decembar ee sanadkan ciyaarahii gobolada Somaliland lagu martigelin doono magaalada Caasimadda ah ee Hargaysa.

Md Cali Siciid Raygal ayaa shir jaraa’idkiisa ku sheegay in 15 Decembar 2012 oo ku beegan maalin Sabti ah loo mudeeyey inay ciyaarahaasi si rasmi ah uga furmaan Magaalada Hargaysa, ayna ka soo qayb gelayaan dhamaan gobolada Somaliland.

Wasiirku waxa uu ugu baaqay dhamaan dadweynaha caasimadda inay u diyaar-garoobaan marti-gelinta ciyaarahaasi, halka sidoo kalena uu ugu baaqay Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka dalka inay u dhamaystiraan kooxaha ciyaaraha adeegyada lagama maarmaanka u ah sidii ay uga soo qayb geli lahaayeen Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com