Wefti Ka socday Baanka Aduunka Oo shir La Yeeshay Ganacsatada Magaalada Gabiley
Gabiley(Somaliland.Org)-Saraakiil sar-sare oo ka socotay Baanka Aduunka ayaa shalay Kullan ballaadhan kula yeeshay Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Gabiley Hoolka Shirarka ee Xarunta Dawlada/hoose ee Magaalada, kaasi oo ay ku soo bandhigayeen Qorshe lagu maal-galinayo Ganacsatada , isla markaana loogu samaynayo koboc dhaqaale Dadwaynaha Reer Somaliland.
Kullankan Saraakiisha Baanka Aduunka iyo Ganacsatada Reer Gabiley ay ku yeesheen Gabiley ayaa waxa goob-joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali/Nuur Sheekh, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Cali Cabdi C/Laahi (Cali Case), iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Kullankan oo daba-socday Kullamo hore oo Baanka Aduunku kula soo yeeshay Ganacsatada Gobollada ugu soo bandhigay Qorshaha iyo nidaamkalagu maal-galinayo Ganacsatada iyo waliba Shuruudaha laga rabo Ganacsatada.
Siciid Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa Saraakiisha Baanka Aduunka oo Kullankaasi ugu horreyn ka hadlay ayaa sharraxaad dheer ka siiyey Ganacsatada Reer Gabiley, Isaga oo ugu horreyn sheegay in uu jeclaan lahaa in Dadwaynuhu ka faa’iidaystaan Deeqahani oo ay u maraan Nidaam haboon.
“Mashruucani waa Mashruuc loogu tallo-galay Ganacsatada Reer Somaliland, hore waxaanu markii ugu horreysay ku qabanay Xafladii ugu horreysay Magaalada Hargaysa, waxaanu uga gudubnay Boorame, hadana Berbera iyo Burco, Maantana Gabiley ayaanu ku qabanaynaa, Barrina Wajaale, Gobolkanina waa Gobolka kaliya ee Laba Magaalo oo baaxadaa leh lagu soo bandhigo Mashruucani, Qorshahayaguna waa marka hore Shuruud ayaa u taala Ganacsadaha codsanaya Deeqdani Lacagta ah, Qofkii buuxiya Shuruudaasi ee siday tahay u mara ayaa nasiib u helaya in uu ku guulaysto, waxaana ka mid ah Shuruudaha in marka hore Codsaduhu uu Maal-gashigiisa uu wajiga hore bilaabo, marka aanu qiimayno ee aanu aragno in Boqolkiiba Sadex iyo sodon uu Isagu fuliyey, ayaanu Annaguna inta kale oo dhan fulinaynaa,”Ayuu yidhi Siciid Maxamed Jaamac.
Waxa kale oo Isaguna halkaa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali Sheekh oo Isaguna si wayn ugu mahad celiyey Madaxwaynaha Somaliland iyo Baanka Aduunka oo uu xusay inay Gobolkiisa Fursad u siiyeen in uu ka mid noqdo Gobolada kale ee Dalka, waxaanu si wayn ugu dardaaray Dadwaynaha Reer Gabiley inay ka faa’iidaystaan, “Dadwaynaha Reer Gabilay iyo guud ahaan Gobolka Gabileyba waxaan u soo jeedinayaa in ay ka faa’iidaystaan Mashruucan lagu kobcinayo Dhaqaalaha Dadkeena, waana Mashruuc u dhexeeya Somaliland gabi-ahaanteedba, mar hadii uu yahay Mashruuc u dhexeeya Somaliland gabi ahaanteedba waa in ay Dadkeenu fahmaan Nidaamka loo buuxinayo Shuruudaha la inooga baahan yahay”. Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali/Nuur Sheekh.
Somaliland.Org/Gabiley
