Taliyaha Asluubta oo ka hadlay Jeel casri ah oo ay ka soo fureen Laas-caanood
Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax ayaa sheegay inay magaalada Laascaanood u tageen inay soo furaan isla markaana uu shaqo galo xabsiga dhexe ee xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood.
waxaanu intaa ku daray in markii hore dadka eedaysanayaasha ah ee laga soo xidho magaalada laascaanood la keeni jiray xabsiyada madheera iyo Burco laakiin imika magaalada laascaanood laga dhisay xabsi si wanaagsan oo casriya isla markaana ay dawlada Somaliland dhistay iyadoo aanay cidina ka caawin hirgalintiisa.
Taliyaha ciidanka Asluubtu waxa uu tilmaamay in imika laga bilaabo ay dadka eedaysanayaasha ah ee reer laascaanood halkooda lagu xidhayo isla markaana magaalada lagu maxkamadaynayo oo aanay dhacayn in dib maxaabiis looga soo qaadaa.
Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu galabta khadka telefoonka ku siiyay shabakadda Somaliland.Org.
ugu horayn taliyaha oo ka hadlaya ujeedadad safarkooda iyo waxa uga soo qabsoomay socdaalkoodii laascaanood wuxuu yidhi “ Horta waxaanu ahayn wefti uu hogaaminayo Wasiirka cadaaladu waxaanan ka koobnayn aniga(taliyaha ciidanka asluubta )iyo taliye ku xigeenka Booliska waxaanan u soconay inaanu soo furro xabsigii magaalada laascaanood oo la dhamaystiray isla markaana ay xukumadu dhismihiisa hirgalisay xabsigaasoo casriya maantana uu ka horeeyo oo kaliya ka Hargaysa kana kooban qaybta dumarka iyo qaybta raga markaa waxaa jirtay maxaabiis badan oo garsugayaal ah oo laascaanod laga soo xidhay balse ku jiray xabsiyada magaaliiyinka Burco iyo Madheera kuwaana imika waanu ku celinay oo waxay ku jiraan xabsigaa cusub ee laga dhisay magaalada laascaanood.”
Taliyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd jeelka laascaanood uu yahay mid adeegyadiisu dhamaystiran yihiin iyo in kale, waxaanu yidhi “xabsiga laga dhisay magaalada laascaanod waa xabsi casriya oo ay dawladu dhistay isla markaana aanay cidina inaga caawin, waxaanu ka kooban yahay laba qaybood oo kala ah Rag iyo Dumar.waxaanu leeyahay dhamaan adeegyadii ay maxaabiistu u baahnayd maantana xabsiyada dalka waxaa ka casrisan oo kaliya ka Hargaysa “ waxaanu taliyuhu intaa ku daray in maanta laga bilaabo aanay jiri doonin maxaabiis inta laascaanood laga soo xidho la keeni doono xabsiyada kale isagoo intaa taliyuhu raaciyay inay wax wayn kasoo qabteen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Booliska.maxkamadaha iyo ciidanka asluubtu isla markaana eedaysanayaasha gobolkaasi ay halkooda ku helayaan garsoorkii maxkamadaha.”
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
