Cilmi Baadheyaal booqday xabaal wadareedyadii Xasuuqii Siyaad barre u geystay shacbiga
HARGEYSA (Somaliland.Org)- Wasiirrada wasaaradaha cadaalada iyo Diinta iyo Awqaafta oo ay weheliyaan Khubaro caalami ah oo qaabilsan arrimaha baadhitaanka xabaal wadareedada oo dhawaan dalka yimid , ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu daahfurayey shaqada ay khubaradasi Somaliland ka qaban doonaan.
Kulankan oo ka dhacay xaafadda badhka ee caasimadda Hargaysa oo ay ku yaalaan goobo xabaalo wadareedo ah oo ay ku aasan yihiin dadweyne sanadihii Sideetameeyadii lagula kacay xasuuq uu mas’uul ka ahaa taliskii keli taliska ahaa ee xiligaasi.
Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid , oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in koox khubaro caalami ah ay maanta xaafadda Badhka ka bilaabayaan shaqo ku saabsan xogo laga ururinayo sidii uu u dhacay xasuuqii dhaliyey xabaalo wadareedyada, iyadoo khubaradu hawshooda ka bilaabi doona xabaal wadareed dhacdadeedu ku taariikhaysan tahay sanadkii 1984-kii.
Wasiirka oo faahfaahiyey ujeedada baadhitaanka ayaa sheegay inay tahay sadex arrimood oo muhiim ah oo kala ah In warbixin rasmi ah oo xaqiiqo iyo dhexdhexaadnimo ku dhisan laga helo baadhitaanka xabaalo wadareedyadaasi,
in baadhitaanka ka bacdi hadhaaga dadkii lagu xasuuqay goobta loo aaso si waafaqsan diinta Islaamka iyo in wax laga barto oo ay ka faa’iidaystaan muwaadiniin reer somaliland ah oo la shaqaynaysa khubarada mudada ay hawshooda ku gudo jiraan si mustaqbalka loo helo dad dalka u dhashay oo qaabilsanaada ama aqoon u leh habka iyo hanaanka loo maro baadhitaanada goobaha noocan oo kale ah.
Md. Caydiid waxuu sheegay in baadhitaanka hadda bilaabamayaa uu socon doono muddo bil ah isla markaana ay muddo shan sano ah khubaradani sii wadi doonaan hawshan oo sanadkiiba muddo labo jeer ah iman doona dalka.
Waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo sheegay in aaska dadka halkan ku xabaalan la waafajin doono shareecada islaamka, waxana uu soo jeediyey bulshada in khubarada lagu gacan siiyo hawsha baadhitaanka ee ay bilaabayaan.
Cabdi casiis Maxamed Diiriye oo ah muwaadin reer Somaliland oo soo agaasimay hawsha baadhitaanka kana mid ah dadka ay qaraabadoodu ku jiraan xabaalo wadaradeedyadan oo goobta ka hadlay ayaa ku sifeeyey baadhitaanka ay khubaradani waddo inuu yahay mid markhaati ka noqonaya wixii dhacay , isla markaana si cad loo gelinayo taariikhda.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
