Golaha Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Siyaasadda Gudaha iyo dibaddaba
Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha guurtida ee Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay siyaasadda arrimaha dibada iyo gudaha dalka oo ka mida qodobada ajandaha kal-fadhigooda 48-aad ee ay ku gudo iraan falanqayntiisa.
Fadhigan oo uu hirgudoominaayey gudoomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa fadhigaa doodda ka dhiibtay xubno mudaneyaashii isu-diiwaan galiyey in ay ka qayb qaataan doodda qodobkan ku saabsan siyaasadda arrimah gudaha iyo dibada ee dalka.
Xildhibaan Cabdicasiis Muxumed Gaaxnuug oo ka mid ahaa xildhibaanadii madasha fadhigaa ka dhiibtay doodad ayaa waxa uu yidhi “Goleyaasha waxa loo sameeyey in wixii dhaliilo ah ee jira si fiican u sheegaan. markaa anigu waxaan leeyahay siyaasadda arrimaha guduha wax badan oo horena waa laga qabtay, walina waxay u baahantahay in waxbadan oo kalena laga qato siibaba gobolada bariga iyo galbeedka.”
Xildhibaan Cabdicasiis waxa kale oo doodiisaa kaga hadlaya aragtidiisa shirarka ay beeluhu yeeshaan, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Shirarka beelaha waxaynu ka soo gudubnay wakhti hore, imikana waxaad maqlaysaa beel heblaayaa shiraysa anigu waxaan aamisanahay in aanay shirarkaasi wax faa’iido ah u lahayn dalka.” Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey siyaasadda arrimaha dibada ee dalka waxa uu yidhi “Markaan ka hadlo siyaasadda arrimaha dibada ee dalka waxaan leeyahay ILAAHAY mahadii waxaynu nahay dal madax bannaan oo cid ina haystaa ma jirto. Waxaan soo jeedinayaa in labada gole ee baarlamaanku si wayn uga qayb qaataan siyaasada arrimaha dibada ee dalka.”
Mudane Daahir Ciise Buux oo isna ka qayb qaatay doodan ayaa isagoo ha hadlaaya siyaasadda arrimaha gudaha ee dalka gaar ahaan nabad galyada waxa uu yidhi “Nabad galyada dalku aad bay u wanaagsantahay, laakiin waxa loo baahanyahay in la la xoojiyo xuduudaha dalka, maadaama oo uu dalku dhawaan gali doono doorashooyin, guurti ahaana waa in aynu arrimhaas ka qaadanaa doorkii aynu awalba ka qaadan jirnay ee ahaa sidii dadka loogu wacyi’galinlahaa in ay doorashada u galaan si nabad galyo iyo xasilooniyi ay ku jirto.”
Xildhibaanku isagoo hadlkiisa siiwata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Waxa jira arrimo badan oo in nabad galyada la adkeeyo udub dhexaad u ah nabada, markaa anigu waxaan tallo ahaan u soo jeeinayaa in dawlad iyo shiciba layska kaashado sidii loo soo afjari lahaa xal waarna looga gaadhi lahaa hadba waxyaabaha dalka soo wajaha ee hanaanka nabada ee dalkeena wax yeelaya.”
Mar uu mudane Daahir Ciise ka hadlaayey baahida loo qabo in la jiheeyo ardayda jaamacadaha dalka sannad walba ka soo baxda, waxa uu yidhi “Jaamacadaha dalka sannad walba waxa ka soo baxa arday aad u badan, haddii ay shaqo la’aantu badatana waxay wax yeeli kartaa nabad galyada markaa waxaan leeyahay ganacsatada iyo xukumadu waa in ay iska kaashadaan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa ardaydaa aqoonyahanada ah dalkooda wax u baratay .”
Xildhibaanku waxa kale uu doodiisa kaga hadlay aragtidiisa siyaasadda arrimaha dibada ee dalka, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Hadii aan ka hadlo siyaasadda arrimaha dibada ee dalka waxaan leeyahay aad bay u fiican tahay. Waxaan soo jeedinayaa in wakiilada Somaliland ugu sugan wadamada aynu xidhiidhka leenahay waa in ay sii xooiyaan shaqada ay hayaan si umadani u gaadho aqoonsi caalami ah.”
Mudane Sahal Iidle Dirir oo ah gudoomiyaha guddida arrimaha dibada ee golaha guurtida oo ka mid ahaa mudaneyaashii dooda ka qayb qaatay ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay dadka aan u dhalan wadanka eeayaa isagoo ka hadlaya siyaasada arrimaha gudaha ee dalka waxa uu yidhi “Runtii wax badan waa la qabtay, lana kobciyey iyadoo aan qabo in aad loo dadaalay. Inabad galyada gudaha la sugaa waa arrin aad u muhiim ah oo ciidanka booliska iyo guud ahaan ciidamada dalka la tayeeyo oo la kobciyo waa arrin aad loogu baahanyahay.”
Mudane Sahal Iidle isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay dadka aaanibka ah ee wadanka jooga, kuwaas oo uu sheegay in ay dalka culays wayn ku hayaan, waxaanuu yidhi “Waxa jira dad badan oo aan wadanka u dhalan oo ka yimi wadan aynu jaar nahay oo aan abaar iyo colaaditoona ka jirin dawladooduna tahay dawlad wayn oo caalamka laga aqoonsanyahay dalkeenana ka dhaqaale fiican, anigu waxaan leeyahay dadkaas baahiyi inooma keenin. Markii dhawaan lagu dhawaaqay in ay dalka ka baxaan dadwaynaha Somalind waxay heleen nafis aad u badan.” Mudane Sahal Iidle waxa kale oo uu doodiisaa kaga hadlay sida uu u arko siyaasada arrimaha dibada ee dalka.
isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in ay sii xooino xidhiidhka aynu la leeyahay wadmada aynu jaarka nahay iyo wadamada kaleba waana in aynu badino socdaalo lagu tago oo aynu waftiyo u dirno kuna noq-noqono anagu haddii aanu nahay guddida arrimaha dibada ee golaha guurtida kal-fadhigii hore aad baanu u shaqaynay.” Gabadii fadhigaana waxa loo balamay in doodda qodobkaa siyaasadda arrimaha dibada iyo gudaha la halkaa laga sii wado fadhiga kan xiga.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
