Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray qoyskii Marxuum- MAXMED XASAN AXMED (NABADIID)

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u Dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qoyskii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM MAXMED XASAN AXMED (NABADIID), oo ku geeriyooday (23.09.2012) Magaalada Hargeysa,

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa MARXUUM-Ka inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qoyskii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


TOP