Madaxweyne Ku xigeenka Oo furay shir lagu darsayo maamul-daadejinta dawladaha Hoose
Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka furay Huteelka Maansoor kulan dib loogu eegayo Mashruuca Maamul daadejinta dawladaha hoose ee mudada Shanta Sanno.
Waxaa kulan hawleedkan ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha,Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha,Maayarada Magaalooyinka Hargaysa, Gebilay,Boorama,Burco,Berbera,Sheekh iyo Oodweyne oo ka faa’iidaysta Mashruuca magaciisa loo soo gaabiyo JPLG, ee Maamul Daadejinta kaas oo ay Maalgeliyaan Hay’adaha UNICEF, UNDP,UN-ILO iyo UN- HABITAT.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Mashruucani uu qayb weyn ka qaatay horumarka dalku ku talaabsaday, isagoo xusay in mudadii shanta sanno ahayd ee uu socday uu wax badan ka bedelay habsami u socodka hawlaha ay Golayaasha deegaanku u xilsaaran yihiin,Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu soo jeediyay in qorshaha Mudada shanta sanno ah ee haatan la galayo ay haboon tahay sidii loogu soo dari lahaa Mashruuca JPLG Degmooyinka Saylac,Laas caanood,iyo Ceerigaabo.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil, oo furitaankii rasmiga ahaa ee kulan hawleedkan oo socon doona mudo sadex cisho ah ka hadlay ayaa u mahadnaqay hay’adaha fulinayay Mashruucan Maamul Daadejinta iyo Adeega dawladaha Hoose ,waxa uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay in mudada soo socota loo baahan yahay sidii nidaam cad oo lagu wada xisaabtamo loo samayn lahaa,maadaama sida uu xusay shantii sanno ee hore ay tababaro iyo waayo aragnimo ay ka korodhsadeen habka uu barnaamijkani u shaqaynayo.
Mudan C.raxmaan Saylici wuxuu u soo jeediyay ka qayb galayaasha kulan hawleedkan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen mudada sadexda cisho ah ee ay ku falanqaynayaan waxyaabihii u qabsoomay iyo waxa ka dhiman .
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamud Garaad Soofe iyo Madax ka tirsan Hay’adaha Caalamiga ah ee dabada ka riixaya hirgalinta Mashruucan.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
