Gudiga Horumarinta Togdheer Oo Ka Warbixiyay Dhismaha Wadada Isku Xidhaysa Burco Iyo Hargaysa
Burco (Somaliland.Org)- Gudiga Horumarinta Gobolka Togdheer ayaa Kulan balaadhan oo ay maanta Ku qabteen Magaalada Burco waxa ay kaga Warbixiyeen Qorshahooda ay ku dhisayaan jidka isku xidhaya magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Hargaysa waxaana kulankani goob joog ka ahaa cuqaal, Ganacsato, Gudida gacanta ku haysa dhismaha wadadani iyo wax garad kale oo tira badan.
Cawil Yuusuf Dhiif oo ah Xidhiiyaha barnaamijka lagu hirgalinayo wadadani, isla markaasina ah xubin ka mid ah gudiga horumarinta Gobolka Togdheer ayaa ugu horayn shirkaasi ka akhriyay warbixin dheer oo la xidhiidha dhismaha wadadani, waxaanu tilmaamay in hamiga dhismaha wadadani uu ahaa mid ka yimi ka dib markii la arkay baahida loo qabo in la helo wado ka dhaw tan hore loo siticamaali jiray sidaasi daraadeed ay mudo haatan ku dhaw hal sanno iyo badh ay bilaabeen wadadaas oo ay u sameeyeen qorshayaal ay ku hagaan.
“Dufcadii 1aad ee aanu ugu talagalnay hirgalinta wadadani waxa uu ahaa mid aan shiihska ku saarnay ganacsatada iyo inta Jeebka weyn oo kaliya balse kulamo danbe oo la qabtay ayaa talooyinkii iyo fikiradii u danbeeyay aan isla qaadanay ay noqdaan in dadweynaha Somaliland dal iyo dibedba dhexdooda laga ururiyo qaadhaanada lagu dhaisayo wadadani taasi aan tusaale ahaan odhankarno in la diwaangaliyo dad tiro ahaan gaadhaya 45,000 oo qof, kuwaasi oo aanu u qorshaynay in 40,000 bishiiba ay bixiyaan 1 dollar halka 5000-ta kun ee kalena oo isugu jira qurbajoog iyo ganacsato iyana laga qaado bishii 10 Dollar” ayuu yidhi Cawil Yuusuf Dhiif, waxaanu intaasi ku daray in gudi ahaan ay wadaan dedaalo xoogan oo la doonayo sidii ay wadadani u noqon lahayd mid dhamaystiranta balse waxa uu si gaara haatan u tilmaamay in 12-km ee u horeeyay ay ka dhigaan jid laamiya .
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Kuwait Saleebaan X. Maxamuud Firdhiye oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa si rasmiya u shaaciyay in jaaliyadoodu ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaatan tabaruca lagu dhisayo wadadani isla markaana ay hore u soo gaadhsiiyeen gudiga tabaruucaad qayb ka noqonaya dhismaha wadadani.
Dhinaca kalena waxa iyana kulankani ka hadaly cuqaal iyo Ganacsato kuwaasi oo shaaciyay inay waajib tahay sidii looga qayb qaadan lahaa dhismaha wadadani oo ay tilamaameen inay tahay mid baahi weyn loo qabo isla markaan muhiimad weyn u leh isku xidhka Gobolada Bariga iyo Galbeedka ee Somaliland.
Ganacsatadii kulankaasi shalay ka qayb galay ayaa halkaasi kaga dhawaaqday tabarucaad ay ka gaysanayaan Jidkaasi, waxaana ka mid ahaa ganacsatada halkaasi kaga dhawaaqay tabarucaadka iskaashatada gaadiidleyda iskarogooyinka oo sheegay inay ka qayb qaadanayaan iyo waliba maxjarka xaanaanaynta xooolaha ee magaalada Burco oo isna balan qaaday inuu bixinayo wixii biyo ah ee dhismaha wadadani ku baxaya.
Ugu danbayntiina dhismaha wadadani isku xidhaysa Burco,oodweyne iyo Hargaysa ayaa iyadu haatan u muuqata mid u socota si habsami ah islamarkaan ay Shacbiga Somaliland gudu iyo dibedba ay soo gaadhsiinayaan tabarucaadoodii u horeeyay.
Somaliland.Org/Burco
