Booliska oo xidh-xidhay dad rabashado ka sameeyay degmadda Boon
Boon (Somaliland.Org)- Ciidanka Booliska Booramem ayaa xabsiga u taxaabay 9 qof oo lagu eedeeyay inay xudun u ahaayeen rabashado ka dhacay Sabtidii degmada Boon ee gobolka Salal, kuwaasi oo rabshado ka sameeyay xarunta MHC-ka Bisha cas ee magaaladaasi oo ay diidanaayeen in dib loogu celiyo shaqaale hore uga tagay.
Maayarka Degmadda Boon ayaa noo xaqiijiyay in Ciidan Boolis ah oo ka soo gurmaday Boorame ay dadkan rabashadaha sameeyay xidh-xidheen.
Waxa wararku intaasi ku darayaan in dadkan la soo xidhxidhay kadib markii ay Sabtidii ay is hor taageen shaqaale MCH-ka ah oo ay wadeen sakaakiil caafimaadka gobolka ah iyo madaxda Bisha Cas ee Gobolka Awdal si ay uga hawl-galaan xaruntaasi.
.
Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah ee Gobolka Awdal Maxamed X. Cumar Yaabe, ayaa ka hadlay waxyaabaha sababay rabashadahan, waxaanu yidhi “Raashino yar-yar oo loogu tallo galay hooyada iyo dhalaanka oo yaalay MCH-ka, waxay u tarjunteen raashinkaasi in loogu tallo galay Bulshadda deegaanka sidaasna ma aha xaalku ee waa raashin loogu tallo galay hooyada uurka leh iyo dhalaanka, ismaan dhaafkaasi ayaa sababay in arintu murugto, waanan ka badalnay shaqaalahii ay ka cabanayeen oo waxaan ku qornay 2 qof oo kale oo shaqaale ah.”
“Markii aan la xidhiidhnay masuuliyiinta Caafimaadka, kuna dacwaynay shaqaalahii aan dhaliilaha ka tabanaynay waxba kama qaban arrintaasi, sidaasi awgeed, baahidii oo taalla isbedelna aanu sugayno ayaa waxa ay dib noogu soo celiyeen shaqaalahii aan saluugsanayn, waana midaas mida sababtay in dadka degaanku ay is hortaagaan hawshii ay u socdeen Bisha Cas iyo shaqaalaha Caafimaadka oo is huwan,”ayuu yidhi mid ka mid ah waxgaradka degmadda Boon.
Cabdalle Cali Yuusuf (Abu-Caaliyah)
Somaliland.Org/Hargeysa
