Xukuumadda oo sheegtay inay cafis u fidinayso dhalinyarada dalka ka tagay ee AL-shabaab ka tirsan
‘Dhalinyaradii Somaliland ka tagay ee AL-Shabaab waxaanu u fidinaynaa cafis haddii ay waan-toobayaan’
‘Doorashadii Soomaaliya raad baanu ku lahayn, waxa jirta cid cadow ku ah Somaliland iyo cid wada hadalkii lala sii wadi karo’
Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), ayaa sheegay inay cafis u fidinayaan dhalinyaradda Somaliland ka tagay ee xubnaha ka ah AL-shabaab haddii ay ka waan-toobayaan.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan muranka ka taagaan laba xil ee uu isku hayo Guddoomiyaha Wakiiladdu. Md. Duur, waxa uu sheegay inay xubno ka tirsan xukuumadu ay raad ku lahaayeen doorashadii Soomaaliya si ay uga taxadaraan cadowga Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu sheegay in dhalinyarada Somaliland ka soo jeeda ay cafis u fidinayaan haddii ay ka waan-toobayaan fikirkii khaldanaa ee ay qaateen, waxaanu yidhi “Waxaynu ugu baaqaynaa xubnihii dhalinyaradda ahaa ee fikirkaasi khaldan qaatay ee dagaalada Al-shabaab ka qeyb galay, haddii ay ka waan-toobayaan oo ay taasi ehelkoodii kala xidhiidhayaan oo ay nolasha si daganaan ah u joogayaan. Waxaanu u fidinaynaa cafis, waayo bini’aadamka oo dhami wuu khaldamaa. Haddii ay noloshoodii dib u bilaabayaan dhalinyaradeenii Somaliland ka tagay waxaynu ogol nahay inaynu soo dhawayno haddii ay ka waan-toobaayaan.”
“Runtii xisbiga dhisan ee siyaasadda dawlada ku dhisani waa KULMIYE,markaa xiligan aan xisbigaasi xil ka hayo dawladiisa suurto-gal ma aha inaan dhiso urur kale dhiso, suurto-gal ma aha iimana suurto-galayso,”ayuu yidhi Wasiir Duur.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la weydiiyay siduu u arko in Guddoomiyaha Wakiiladdu uu isku qabto laba xil, waxaanu yidhi “Waxay arrintaasi u baahan tahay in sharciga la weydiiyo, ma jiro illaa hadda markaan caqligayga ku eego sharci odhan kara iskuba hayn karo Guddoomiyuhu labadaasi xil. Waayo xilalka siyaasadeed heer deegaan, heer baarlamaan iyo heer Madaxweyneba dhamaan, Maayarrada dalka oo dhami way tartamayaan waxay xilka ka wareejinayaan uun marka Gole deegaan oo kale la doorto.”
Wasiirka oo waraysi siiyay caawa Horn-Cable TV, waxa kale oo uu tilmaamay inuu Madaxweynaha Somaliland u gudbiyay in doorashada deegaanku ay ka qabsoonto deegaano ku yaala waqooyiga iyo galbeedka dalka oo aanay hore uga dhicin doorashooyinkii hore, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Madaxweynaha waxaan u gudbiyay warbixin aan ugu sheegay in goobahaasi ay yihiin goobo nabad-gelyadoodu sugan tahay, dadkooduna diyaar u yihiin inay waxna doortaan lana doorto xaq dastuuri ahna u leeyihiin.”
“Waxa kale oo aan madaxweynaha warbixintaydaasi ugu sheegay in deegaamo Somaliland ka mid ah maqnaanta ay doorashadu ka maqan tahay ay inagu tahay qaran ahaan nusqaan. Sidaasi awgeed waxaan soo jeedinayaa goobahaasi doorashadii ay xaqa u lahaayeen laga qabto. Warbixintaydaasi komishankana ogaysiin ayaan siiyay,”ayuu yidhi Md. Duur.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa dhiman ee ah muranka iyo talladda kala duwanaanshaha deegaanada ay dadkaasi raacayaan gobol ahaan ama degmo ahaan si talladu u balaadhnaato oo la ila wadaago, waxaan Madaxweynaha u soo jeediyay in Guddi ka balaadhan loo xil saaro.” Md. Duur oo la weydiiyay inuu xubin ka yahay urur-diimeedka Islaax ee Soomaaliya oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, waxa uu ku jawaabay “Isma Naqaano shakhsiyan ninkan Soomaaliya Madaxweynaha ka ah, mana dhisin isaga, laakiin Soomaaliya waxa hubaal ah inaynu u baahan nahay inaynu xidhiidh la sameyno. Xukuumadda aan ka tirsan nahay waxay Soomaaliya la waday wada-hadal, imikana inshaalaah waa lala sii wadi doonaa.”
“Doorashadii Soomaaliya raad baanu lahayn, waayo waxa jirta cid cadow ku ah Somaliland iyo cid wada hadalkii lala sii wadi karo. Markaa xidhiidhka aanu la lahayn waxa uu ahaa mid war- is gaadhsiineed waxaanu ka taxadaraynay yaanu wada-hadalkii la sii wadaynaa iyo yaanaan la sii wadi Karin.”
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
