Culimada Boorame Oo Salaada Jimcaha Kaga Hadlay Film-kii lagu aflagaadeynayay Diinta Islaamka

Boorame (Somaliland.Org)-Culimada magaalada Boorame ayaa maanta salaadii Jimcihii khudbadaha salaada badi ku soo qaatay Filimkii lagu aflagaadeynayay diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKHA,kaasi oo cadho badan iyo rabshado ka abuuray dalal badan oo ka mid ah dunidda muslimka.

Sheekh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo ka hadlay mawduucan ayaa waxa uu sheegay in uu filimkaasi yahay mid qaldan isla markaana gaf ku ah diinta islaamka iyo Sharafta Nabi Muxamed NNKHA, Sheekhu waxa kale uu oo sheegay in marka ay dhacaan arimaha noocan oo kale ahi loo baahan yahay in diinta islaamka dib loogu noqdo, lagana sheekeeyo taariikhdii iyo siiradii Nabiga NNKHA iyada oo la soo bandhigayo wanaagii nabiga iyo waayahiisii.

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar waxa uu isaga oo cuskanaya axaadiis iyo aayado qur’aan ah oo kabi ahaanba ku tilmaamay wax aan haboonayn, dilka iyo burburinta lagula kacayo madaxda iyo shaqaalaha ka wakiilka ah safaaradaha ku dhex yaaala dalalka Islaamka iyo meelaha ay ka dhacayaan isku soo baxyada balaadhan ee ka dhanka ah Film-kaasi.

Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyada oo todobaadkan horaantiisii uu isku soo bax nabdooni ka dhacay Boorama, kaasi oo qayb ka ahaa dareenada cadhada leh ee ay dadka muslimiinta ahi ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin Film-ka la magac baxay Innocent of Islam.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame


TOP