Hay’ada DDG Oo Bulshada Reer Higlo U Soo Bandhigtay Buuga Qorshaha Badbaadada Bulshada (BQBB)
Hargeysa (Somaliland.Org)-Hay’ada DDG oo hawlgalkeedu yahay dhinaca amniga, Badbaadada Bulshada, yaraynta khatarta hubka fudud iyo weliba baabiinta iyo burburinta walxa qarxa ee ka hadhay dagaaladii ee yaala dhulka oogadiisa. isla markaana bixisa casharo ku saabsan Xalinta Khilaafaadka iyo Habsami u haysashada hubka fudud, ayaa taariikhdu markay ahayd 16/09/12 bulshada reer Higlo usoo bandhigay buuga qorshaha badbaadada bulshada(BQBB).
Qorshahan oo loola danleeyahay sida sheegeen inay wax ka tarto Amniga iyo badbaadada Bulshada ee dhinaca waxyaabaha aynu kor kusoo sheegnay waxa fulinteeda looga Fadhiyaa bulshada reer Higlo iyo gudi loo magacaabay oo ka kooban 10 xubnood.
Xafladii buugan lagu soo bandhigay degmada Higlo waxaa ka soo qayb galay Maamulka gobolka Saraar ,kan dagmada ee Higlo oo uu hor kacayo Maayir ku Xigeenka Caasimada Gobolka Saraar ee Caynabo Mr Abokor Shide ,Mas,uuliyiinta hay’ada ,ururada haweenka ,dhalin yarada ,Cuqaasha iyo dadweyne kale oo lagu marti qaaday. Ugu horayn waxaa madasha ka hadlay masuul ka tirsan hayada DDG oo lagu magacaabo Maxamed Good kaasi oo ku dheeraaday Wax qabadyadii ha’yada DDG ka soo fulisay gobollada Soomaliland tan iyo xiligii ay soo dagtay sanadkii 1999, Wuxuuna tilmaamay inay DDG ay ka shaqaysay miino saarista, gobolada dalka badankooda ay ka soo saartay malaayiin isugu jira miino iyo walxa qarxa isla markaana burburisay dhamaan.
Maxamed Good wuxuu intaa ku daray inay DDG xog ururin kale oo ay samaysay 2007 ay ku ogaatay dhibaato kale oo bulshada ka haysata xaga amniga,waxaanay raadisay siyaabo kale oo lagaga hor tagi karo caqliyan iyo jismiyanba . dhibkaas oo ay sababaan hubka fudud iyo walxa qarxa ee dhulka oogadiisa yaala ee ka hadhay dagaaladii .sidaa daraadeed waxay hindistay barnaamijka badbaadada bulshada iyo yaraynta khatarta ka timaada hubka fudud . Qorshahan soo bandhigida buugan waxaa loo la dan leeyahay inay waxa ka tarto badbaadada bulshada loogana fadhiyo fulinta buugan bulshada reer Higlo. ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Mr good.
Mas’uul kale oo ka tirsan hayada DDG Mr Muxyadiin Yuusuf oo isna hadlay ayaa tilmaamay in loo baahan yahay inay dadka shacabka ahi ka faa’iidaystaan siyaabaha lagaga hortagayo Walxaha qarxa isla markaana gudida loo magacaabay hirgalinta buugani loogana fadhiyo fulintooda .
Maayir ku Xigeenka Caynabo Mr Abokar Shide oo soo xidhay hadalka, ayaa aad u soo dhoweeyey ha’yada DDG iyo lamaanaheeda DRC wuxuuna qiray sida ay mar walba heeganka ugu yihiin bulshada waxaa loogu soo dhiibaana sida tooska ah ugu soo gaadhsiiyaan. Mr Abokor wuxuu u soo jeediyay dadweynaha reer Higlo in buugan loo soo daabacay ee ka yimi tabashadooda ay fuliyaan.
Ugu danbayntii Mr Muxyadiin yuusuf oo ka socday DDG iyo Maayir ku xigeenka Caasimada gobolka saraar Mr Abokor Shide, ayaa si wadajir ah ugu wareejiyeen gudoomiyaha Dagmada Higlo buugan oo qoristiisu socotay mudo 15 cisho ah diyaarintiisan ay ha’yada DDG u saartay bulshada reer Higlo oo ka kooban 25 qof kana kala yimid bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka dagmada ,waxa fulinta buugan loo xilsaaray gudi toban Xubnood oo bulshada reer Higlo ah ku waasi oo iyagu wax ka qoray buugan ha’yaduna maal galisay.
Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee hayada DDG oo kaashanaysa hayada DRC ay gobolka saraar ku soo bandhigaan buug noocan oo kale ah sida degmooyinka Caynabo,wadaamogoo, habari heshay ,oog, Qori dheer. Ceel-dhaab ,Ulasan haatana ay marayso Higlo. Waxayna hore uga soo shaqeeyeen gobolo badan oo soomaliland ah sida maroodi jeex ,Hawd,Sool, Saaxil ,Tog dheer ,Daad madheedh iyo kan Saraar. Gebagebadii xafladaa waxa dadweynaha Higlo kusoo gebagebeeyeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.
