Shirkaddii laga soo iibsaday Warlaliska Idaacada cusub oo ku wareejisay Wasaarada warfaafinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirkadda wadaniga ah ee Brothers Trading Company oo qaadatay qandaraaskii iibka warliska cusub iyo Shirkadda Shiinaha ah ee BBEF ee laga soo iibsaday warlaliskaasi, ayaa maanta Wasaarada warfaafinta ku wareejiyay warlaliska idaacadii cusubayd oo 100kwt ah.

Xafladan waxa ka qeyb galay Wasiirka wasaaradda warfaafinta Md Abiib Diiriye Nuur, Agaasimaha Guud Cabdirashiid Jibriil Yoonis, Agaasimayaasha waaxyaha ee wasaaradda Warfaafinta, injineerada, mas’uuliyiinta kale ee wasaaradaasi iyo Injineeradii shirkada shiinaha ee Idaacadda rakibay.

Agaasimaha waaxda farsamada ee wasaaradda warfaafinta Eng. Axmed Saleebaan weyne oo oo ka hadlay xafladaasi ayaa faah-faahiyey marxaladii ay soo martay Keenista idaacadda iyo rakibaadeeda, waxuuna ILAAHAY uga mahad-naqay in dhawaan ay si rasmi ah Hawada u geli doonto.

Agaasimaha Idaacadda Radio Hargaysa Siciid aadan Cigge oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Idaacadda weyn ay ahayd mid muddo dheer la sugayey laakiin ugu dambayntii lagu guulaystay, waxana uu sheegay in Isaga iyo hawlwadeenada kale ee Idaacadda ay ku soo korodhay mas’uuliyad kale oo balaadhan, isagoo ballanqaaday inay gudan doonaan waajibaadka dheeraadka ah ee ay la timid Idaacadan weyn oo laga wada dhegaystay daafaha caalamka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta Md.Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey waxa uu sheegay in Keenitaanka iyo dhamaystirka Idaacadda weyn ay ahayd hamiga labaad ee qaranka somaliland marka laga yimaado Hadafka koobaad oo ah raadinta iyo u hawlgalka ictiraaf caalami ah oo ay hesho Somaliland.

Agaasimaha Guud waxuu si balaadhan ugu mahadnaqay Ingineerada ka kala tirsan wasaarada , shirkada wadaniga ah ee Brothers iyo shirkadda Shiinaha ah ee BBEF.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Abiib Diiriye Nuur oo hadal u jeediyey ka soo qayb galayaashii munaasabadda ayaa sheegay in ay ILAAHAY mahaddii tahay in 21 sano ka dib la xaqiijiyo hadafkii lagu taamayey mudada dheer kaasoo u qabsoomi waayey xukuumadahii kala dambeeyey ee dalka soo maray , hase yeeshee fadliga ilaahay dartii ay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ku guulaysatay in dalka la keeno oo la rakibo idaacad weyn oo dunida gaadhsiisa rabitaanka iyo codka bulshada Somaliland.

Md. Abiib Diiriye waxa uu sheegay inay hirgelinta idaacadda cusubi ay tahay mid ka mid ah balan-qaadkii KULMIYE ku galay olalihii doorashadda, waxaanu tilmaamay inay dhawaan xaflad wanqal ah u samayn doonaan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP