Madaxweynaha Oo Shahaadooyin gudoon siiyay dufcadii 9-aad ee qalin jabisay Jaamacadda Hargeysa
‘Ardayda Jaamacadaha ka soo baxayaa waxay ka mid yihiin mustaqbalkii dalka’
Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta shahaadooyin gudoon siiyay dufcadii 9-aad ee ka qalin jabisay Jamaacadda Hargeysa oo tiradoodu ahayd 637 arday.
Xafladaasi waxa kale oo ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda, Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE, UCID. waxa kale oo madashaasi goob joog ka ahaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada waxbarashada, Qorshaynta, Madaxtooyada, Cadaalada Beeraha, aqoonyahano iyo kumanaan qof oo ka mid ah waxgaradka iyo mudanka bulshadda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ka hadlay xafladaasi ayaa Bogaadiyay ardayda ka qalin jabisay jaamacadda Hargeysa, waxaanu tilmaamay Inay dalkooda u shaqeeyaan.
“Waxaan jecelahay inaan halkan Bogaadin iyo Hamabalyo uga soo jeediyo ardayda maanta ka qalin jabisay jaamacadda Hargeysa, waxa kale oo aan halkan ka hambalyaynayaa macalimiinta iyo maamulka jaamacada waxqabadka iyo horumarka ay dalka u gaysteen,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in ardayda jaamacadaha ka soo baxayaa ay yihiin midhihii mustaqbalka dalka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ardayda Jaamacadaha ka soo baxayaa waxay ka mid yihiin mustaqbalkii dalka. Dalkeenu wuu balaadhan yahay, waanu dihin yahay oo waa dal wax laga qaban karo oo mustaqbal wanaagsan leh. Waxaanan mar kale bogaadinayaa oo aan dhiiri gelinayaa ardayda qalin jabisay waalidkii iyo macalimiintii ku tabcay.”
Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay ardayda tiradaasi leeg ee hal mar ka qalin jabisay jaamacada Hargeysa, waxaanay ku guubaabisay inay wadanka u shaqeeyaan si dalku horumarka uu beegsanayo uga midho dhaliyo.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi Xuseen Ugaas, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in dufcadan sagaalaad ay tahay tii ugu balaadhnayd ee hal mar ay arday tiradoodu tahay 637 arday ka qalin Jabiyeen.
Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray inay jaamacadda Hargeysa ay hiigsanayso inay daboosho baahida waxbarashada sare isla markaana ay gaadho jaamacadaha caalamiga ah.
“Ardaydani waxay ka qalin jabiyeen sagaal Kuliyadood oo ay ka mid yihiin maamulka iyo maareynta, Ganacsiga, caafimaadka, sharciga, daraasaadka ilsaamiga ah iyo kuwo kale. Waxa ardaydan ku jira dhakhaatiirtii ugu badnayd ee ka qalin jabiyay jaamacadaha dalka kuwaasi oo tiradoodu gaadhayso 21 dhakhtar,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Cabdi Xuseen.
Geesta kale, Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo ku hadlayay magaca ardaydii qalin jabisay ayaa ammaan balaadhan u soo jeediyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Hargeysa oo uu tilmaamay inay ka midho-dhaliyeen dedaal adag oo ay sameeyeen afartii sano ee u dambeeyay.
Waxa kale oo iyaguna hadalo iskugu jiray Bogaadin iyo dar-daaran halkaasi ka soo jeediyay Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Faysal Cali Waraabe.
Ugu dambayn waxa madaxweynuhu shahaadooyin gudoon siiyay ardaydii ka qalin jabisay jaamacadda Hargeysa.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmai.com

