Maayar Cabdalle: Masuul loogu markhaati-furay waxqabadkiisa
Hargeys-(Somaliland.Org)- Doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee sannadkii 2002 waxay ahayd tii ugu horraysay ee Somaliland ka qabsoontay muddo 36 sano ah oo shacabku codkooda ku soo saaraan xildhibaannadii goleyaasha Deegaanka magaalooyinka dalka oo dhan.
Xildhibaannadii ku soo baxay Goleyaashii Deegaanka Dalka ee laga filayay waxqabad iyo isbedel ay ku samayn doonaan adeegyada aas-aasiga ah ee arimaha bulshadu ka filaysay waxa soo foodsaartay isqabsi, kusri-kala-riixasho iyo danaysi gaar ahaaneed oo ragaadisay waxqadkii bulshadu ka filaysay inay sammeeyaan.
Haddaba, haddaynu hoos u eegno ama is-dul-taagno Maayerka Degmada Berbera ee hadda xilka haya Cabdalla Maxamed Cali, waxa uu ku sifoobay Maayerka keliya ee marka la qiimeeyo Somaliland oo dhan ugu wax-qabadka badan dhinaca horumarinta arrimaha bulshada, bilicda magaalada Berbera,hagaajinta waddooyinka, dhismaha garoonka cusub ee Ciyaaraha magaalada Berbera oo noqonaya kii ugu horreeyey ee noo ciisa ah ee laga dhiso Somaliland.
Masuuliyiinta dawladda Somaliland ayaa badi ka marag-kacay wax qabadka muuqda ee Maayer Cabdalla ka hirgeliyey magaalada Berbera. Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina-Waris), ayaa toddobaadkii hore Shahaado sharaf ay sheegtay inuu ku mutaystay waxqabadkiisa waxay munaasibad uu mar labaad isugu sharraxay golaha deegaanka oo lagu qabtay magaalada Berbera ku guddoonsiisay Duqa Degmada Berbera Cabdalla Maxamed Cali.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen labada gole ee Baarlamanka oo uu horraantii sannadkan ka jeediyey qudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah wuxu ku sheegay in Maayerka Berbera Cabdalla Maxamed Cali uu noqday Duqa ugu wax-qabadka badan Maayer-rada magaalooyinka dalka, waxaanu yidhi; “Waxaan ammaan gaar ah u jeedinayaa Maayerka degmada Berbera oo noqday Maayerkii ugu wax-qabadka badnaa Maayer-rada dalka.”
Hase-yeeshee, Inuu Maayer Cabdalla mar labaad isu soo taago inuu u tartamo Xildhibaannimada degmada Berbera ee doorashada golahayaasha deegaanka oo Somaliland ka qabsoomaysa 28-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2012-ka waxa soo dhaweeyey in badan oo ka tirsan dadweynaha reer Berbera, Masuuliyiinta dawladda iyo Hoggaanka Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo uu hadda ka sharraxan yahay, halka uu doorashadii hore ka soo baxay Xisbiga waqtigiisu dhammaaday ee UDUB.
Dhammaan waxay Madaxda iyo dadweynuhu-ba sheegeen sababta ay u soo dhawaynayaan inuu Cabdalle mar labaad isu soo sharraxo golaha deegaanka Berbera inay tahay wax-qabadka, kartida iyo hufnaanta uu muujiyey muddadii uu Maayerka ka ahaa degmada Berbera, gaar ahaan dhawrkii sano ee ugu dambeeyey, taasoo ay ku doodeen inuu mudan yahay in mar labaad uu ka mid noqdo golaha deegaanka ee Berbera loo dooranayo welibana loo sii doorto Maayer si uu wax-qabadkiisa faraha badan ee uu degmada ka hirgeliyey halkaa uga sii amba-qaado.
Haddaba, waxa maal-mihii u dambeeyey lagu qorayey qaar ka mid ah saxaafadda Hunguri-ku-macaashka ah qoraallo borobagaando iyo aflagaaddo ah oo la doonayo ama loola jeedo in lagu wiiqo sharafta iyo sumcadda Maayerka Berbera Cabdalla Maxamed Cali, kuwaasoo ay wadaan dad ka tirsan kuwa wanaagga iyo horumarka ku xajiimooda, isla markaana qof kasta oo sharaf leh jecel inay Burush wasakhaysan marmariyaan.
Hase-yeeshee, waxaynu odhan karnaa Cabdalle ma geyo waxaad u quudheen, shaqsiyadda iyo wax-qabadka Cabdalle cidda doonaysana waxa ku filan weedhaha Madaxweynuhu ka yidhi wax-qabadkiisa iyo shahaado-sharafta qiimaha badan ee ay Marwada Koowaad ee Somaliland guddoonsiisay.
Inkasta oo wax-qabadka Cabdalla Maxamed Cali uu ka sameeyey magaalada Berbera iyo weliba qaar ka tirsan deegaannada hoos tagaa aanay ahayn wax lagu soo koobi karo maqaal, laba iyo ka badan toona, haddana markaynu si dhab ah isu-dul-taagno ama u milicsanno horumarka uu Berbera gaadhsiiyey waxa markhaati ma-doon ah, isla markaana sida Cadceedda u muuqata inaanay Maayer Cabdalle ka maarmin magaalada Berbera iyo dadka reer Berbera-ba.
Si kastaba ha ahaatee, waxay qiimayntu u taallaa dadka wanaagga arka ee reer Saaxil, gaar ahaan Magaalo-madaxda Berbera oo intooda badani diyaar ula yihiin Cabdalle inay mar labaad u doortaan Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee degmadaas, waxaana cad Musharrixiinta golayaasha deegaanka hadda isu-sharraxay ee sida Gabaarrayda xilka iyo dhaqaale ay ka helaanba ugu oommani inaanay Cabdalle iyo dhiggiisa toona intooda badani jeex ka gaadhi karin ama aanay dhadhawayn karin. Sidaa daraaddeed, danta dadka iyo degmada Berbera-ba waxay ku jirtaa inay doortaan Maayer Cabdalla iyaga oo qiimaynaya wax-qabadkiisa ay shaqsiyaadka mucaaridka ku ahi indha ka lalinayaan.
Maxamed Siciid Cabdilaahi
