Xisbiga KULMIYE oo dhamaystiray 21 Murashax ee Gabiley

Gabiley (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu Weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Maxamed C/laahi Cumar ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigayay 21ka Murashax ee Xisbigaas uga qayb galaya tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee Magaalada Gebilay.

Xafladaasi waxa hadal ka jeediyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar ayaa xusay in gobolkani yahay mid uu si gaar ah u tirsado xisbul xaakimka kulmiye isagoo uga mahadnaqay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadu waxa uu ugu baaqay dawlada dhexe ee fadaraalka Itoobiya inay wax ka qabato shaqaaqo ka dhacday deegaanka ismaamulka kililka Shanaad ee Itoobiya isla markaana ay xal nabadgalyo ku soo dabaasho.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo madashaasi ka hadlayay ayaa sheegay in 21kan Murashax ay yihiin kuwo xul ah ,waxaanu is dul taagay taariikhda uu xisbigani ku leeyahay gobolka gebilay isagoo ugu baaqay inay mar kale isu taagaan sidii ay u soo saari lahaayeen xisbiga kulmiye iyo murashixiintiisa.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay maayarka Magaalada Gebilay iyo maayar ku xigeenka gebilay oo dhamaantoodba ku nuux nuuxsaday sida ay waajibka u tahay in tartan xalaal ah ay ku soo baxaan xildhibaanada golaha deegaanka ee Gebilay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP