KULMIYE oo soo bandhigay 21-ka Murashax ee ay u xuleen doorashada Deegaanka
Hargeysa (Somaliland.Org)-Weftigii uu hogaamiyay Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo kormeer hawleed ku jooga Magaalada Laascaanood ayaa Maanta soo bandhigay 21-kii xubnood ee Xisbiga Kulmiye uga qayb qaadanaya doorashada golaha Deegaanka ee Magaalada Laascaanood .
Weftigan Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Mudane C/risaaq Khaliif Axmed iyo Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland ee SRA C/waaxid C/qaadir C/raxmaan waxa ay munaasibad ay ku qabteen magaalada Laascaanood ku soo bandhigeen 21ka Murashax ee Xisbiga Kulmiye uga qayb qaadanaya doorashadaas.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in Murashixiintani ay yihiin kuwo xul ah wax badana ka bedeli doona horumarka ay higsanayso Magaalada Laascaanood, Isagoo ugu baaqay bulshada ku nool magaaladaasi inay garab istaagaan Murashixiintan.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed ayaa cadeeyay in magaalada Laascaanood oo aan lahayn gole deegaan ay ku rajo weyn yihiin in Murashixiintani ay ka jibo keenaan rabitaanka bulshada.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland,Gudoomiyaha Gobolka Sool,Xubnaha Murashixiinta ah iyo garabyada kala duwan ee xisbiga Kulmiye.
Cumar Maxamed Faarax
Somalilad.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
