‘Waxaan Madaxweynaha Soomaaliya u soo jeedinayaa inuu ixtiraamo xuduudahayaga oo aanu sheegan Somaliland’
Hargeysa (Somaliland.Org)-Xukuumada Somaliland ayaa ka xalay uga digay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu maro jidkii ka horeeyay Madaxweyneyaashii hore ee aaminsanaa riyada isla markaana sheegan jiray Somaliland.
.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Xaaji Cali oo xalay u waramayay TV-ga qaranka ayaa sheegay in Somaliland tahay qaran ka Madax-bannaan dawlada Soomaaliya oo u taagan inuu beesha calamka ka helo Ictiraaf caalamiya, diyaarna u ah inay is kaashadaan walaalahooda Soomaaliya iyo wadamada kale ee jaarka la ah, isla markaana waxa uu ka digay in Madaxweynaha cusub iyo baarlamaanka Soomaaliya ay ku hadlaan sidii Madaxweynayaashii ka horeeyay ee sheegan jiray Somalilad inay ka mid tahay Soomaaliya.
Wasiirka Madaxtooda Somaliland waxa kale oo uu sheegay in dawlada Somaliland ay ka go’an tahay in wada hadalada la sii wado, sidii la saxeexay ee lagu balamay, dhinacoodana ay ka rajeenayaan Madaxweynaha la doortay iyo dawlaaba xubnaha hormuudka ah inay ixtiramaan hishiiskii hore loo galay iyo wada-hadaladii hore loo galay.
Wasiirku wuxuu sheegay inay ugu baqayaan inay ixtiramaan Somaliland xuduudkeeda, qaran-nimadeeda iyo midnimadeeda, waxaanu yidhi “Somaliland waa qaran ka madax-bannaan Soomaaliya iyo Dawladaas. Waa qaran u taagan inuu helo Ictiraaf caalamiya oo u diyaara inay is ka shadaan wallaala-hooda Soomaaliya iyo wadama kale ee jaarka ah, wax iska badelay maw-qafkii Somaliland majiro haba yaraatee.”
Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u dhaxeeyay, isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxa u yidhi “Anigu dalkayga ayaan ka warami karaa oo dawlada Somaliland waxa ka go’an in wada hadalada la sii wado sidii la saxeexay oo waxa lagu balamay in wada-hadalada la sii wado, dhinacoodana waxaanu ka rajeynaynaa Madaxweynaha la dooray iyo dawlad ahaanba iyo xubnaha hormuudka u ah inay ixtiramaan heshiiskii hore loo galay iyo wada-hadaladii hore loo galay. Waxaanu ugu baqaynaa inay ixtiramaan Somaliland xuduudaheeda, qaran-nimadeeda, midnamadeeda iyo rabitaanka bulshada reer Somaliland.”
Wasiirka madaxtooyada Somaliland Su’aal la waydiiyey ayaa ahayd.Wasiir is badelka ka dhacay Soomaaliya oo ay caalamkuna ay doonayaan inay Soomaaliya is badel ka dhaliyaan oo ay caggaha u dhigaan, ma lagayaaba inuu Somaliland uu samayn ku yeesho, haddii ay tahay ama Siyaasada
waxaan ugu baqaayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo dawladiisaba inay ixtiramaan Somaliland qaranimadeeda iyo xaduudaheeda. Waxaana dhacda had iyo jeeraale Madaxweynaha Soomaaliya loo doorto isaga oo cago is-kutaagin inuu yidhaahdo Soomaaliya waa muqadis oo aniga ayaa xukuma Somaliland-na, waa riyadii kuwii hore la yimadeen ee halkaas dhigtay, waana taanu leenahay dhabta qaata oo riyada ka baxa.”
Md. Xirsi waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu leenahay Somaliland waa qaran madax-bannaan oo jira oo aan idinka mid ahayn oo aad xukumin oo aan ku hoos iman inaad wada-hadashaan mooyee. Maaha qarannimada Somaliland wax anigu gooyo iyo wax dawladi ay goyso ee qarannimada Somaliland waa wax Ummaddi goosatay. Somaliland kumay dhalan qab dad iyo cadho iyo ciilqab ee Somaliland waxay ku dhalatay rabitaan bulsho iyo inay helaan Madax-bannaani, waxaana Soomaaliya ka soo gaadhay dhibaato aad iyo aad u badan. Ma jecli in shacabka reer Somaliland la xasuusiyo dhibaatooyinkii soo gaadhay.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ma jecli in shacabka reer Somaliland la xasuusiyo dhibaatooyinka aanu ka dhayino ee aanu ka korinayn inay dib u xasuusan ee ay hore u xasuusan dadka reer Somaliland. Haddayse dhacdo Madaxweyne Soomaaliyeed sidii kuwii hore ee tagayay ku celcelin jireen uu kana ku celceliyo Soomaaliya waa muqadisoo, Somaliland ayaan xukumaa iyo faragalin Somaliland-na, waxaanu ka digaynaa inay halkaas ay ka dhalato cawaaq-xumo.”
“Waxaan aminsanahay in Soomaaliya ay samayn nagu yeelan-karrin iyo Gobalkaba oo ha la gaadho samaynta ay ku yeelanayso xaduudka, lakiin immika samayn malaha ee waa inay dajiso Soomaaliya oo ay xukunto iyo meesha ay dawlada u tahay ee mar labaad iyo mar saddexaad-ba waxaanu ku celinaynaa haddii la ixtiraamiwaayo shacabka Somaliland waxay doonayaan way guuraysaa damqashada aanu ka damqanayno Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
