Maayarka Hargeysa oo dhagax-dhigay Dugsiyo iyo Garoomo
HARGEYSA (Somaliland.Org)- Maayarka Caasimada Hargaysa Inj Xuseen Maxamud Jiciir oo ay weheliyaan Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Mawliid Waris C/laahi iyo madax kale ayaa maanta dhagax dhigay laba goobood oo ku yaal xaafada Macalin Haaruun isla markaana laga samayn doono dugsiyo waxbarasho iyo Garoomo. goobta kowaad oo ku taal Huteelka Kaah ee caasimada Hargaysa ayaa waxa laga dhisi doonaa hal garoon oo casri ah iyo laba iskuul,halka goobta kalena laga hirgalin doono hal garoon iyo Sadex iskuul.
Maayarka Caasimada Hargaysa Inj Xuseen Maxamud Jiciir oo ka hadlayay dhagax dhiga Mashaariicdan ayaa sheegay in goobahani ay ahaayeen dhul dan guud ah,waxaanu xusay in dawlada hoose ay dadaal xoogan ugu jirto sidii ay uga midho dhalin lahayd mashaariicda dhinaca horumarka iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshadu u xilsaartay.
Sidoo kale Xoghayaha Dawlada Hoose ee caasimada hargaysa Mawliid Waris C/laahi ayaa sheegay in maamul ahaan ay xafideen dhulkan Maanta laga hirgalinayo dhismayaasha dugsiyada iyo garoomada kubadaha.
Waxaa kale oo halkaasi hadalo mahadnaq iyo dardaaran isugu jira ka soo jeediyay Salaadiin,Aqoon yahan iyo Maamulka degmadaas oo tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin hirgelinta mashaariicdan oo wax weyn ka taraya horumarka xaafadaas.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
