Wasiirka Arrimaha dibada oo naqdiyay wabixin loo gudbiyay Q. Midoobay oo Somaliland ka dhan ah

Hargeysa(Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa been abuur ku tilmaantay warbixin la sheegay in qaramadda midoobay ay Somaliland ku tilmaantay deegaano hoy u noqday kooxaha xag-jirka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in nabad-gelyada dalku wanaagsan tahay isla markaana aanay waxba ka jirin warbixinta qaramada midoobay, waxaanu yidhi “Somaliland waa dal dunida oo dhami ka war-qabto. Waana dal nabad-geliyo ah dal xasiloon oo leh ciidamo nabad-geliyo ah oo ilaaliya nabada. dalka.Xaqiiqdii waxay tahay Somaliland meelaha ugu degan uguna nabadgeliyadda wanaagsan mandaqadda geeska Africa waa dal dimuqraadiya waa dal shacabkiisu iyo ummadiisu heegan u yihiin ilaalinta xasiloonida,caana ku ah inay la dagaalamaan wax aliyo wixii loo arko inay wax-yeelayaan xasiloonida Somaliland iyo mandaqadda geeska afric-kaba intaba.”

“Marka runtii warbixintan sida ay u qoran tahay waxaanu u aragnaa inay khaldan tahay jimciyadda quruumaha ka dhexaysa iyo waddamada kale ee beesha caalamkuba, waxay ka dheragsan yihiin sida ay Somaliland uga shaqayso nabadgeliyadda,”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada oo shalay u waramayay HCTV.

Wasiirka oo naqdiyay warbixinta qaramada midoobay, waxa uu yidhi “Dhinaca kale shaqaalaha iyo howlwadeenadda ciidamadda sirta iyo nabadgeliyada qaranku waa kuwo tabobaran waa kuwo ku xeel-dheer arrimaha ay qaranka u xil-saaran yihiin, mana jirto in halka ay dhibaato ka timi ama ay ka haajireen sida aad hadalka u dhigtay dalka.Laakiin saraakisha sirdoonka iyo nabadgeliyadu waxay ku sugan yihiin dalka waxay leeyihiin xirfad shaqo oo aanu aad iyo aad ugu kalsoon nahay xukuumad ahaan, waxay wadda shaqayn la leeyihiin beesha caalamka iyo waddamadda jaarka intaba aad iyo aad ayaanu ugu kalsoon nahay shaqadda ay qaranka u hayaan.”

“Arrintaasi waa arrin aan jirin oo aan xaqiiq ahayn, Wasiiradda qaranka u shaqeeya iyo masuuliyiinta kale wuxuu madaxweynuhu ku soo xushay xirfadooda Aqoontooda waayo-aragnimadooda iyo sida ay daacada ugu yihiin horumarka dalka iyo xidhiidhka ay Somaliland doonayso inay la yeelato beesha caalamka,”ayuu yidhi Wasiirku.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Habayaraatee wax ka jiraana ma jirto waa masuuliyiin qaran oo qaranka meel halbawlaha kaga jira oo dadka aad leedahay arrimahaas ayay ku eedeyn caddayntooda ayaa looga fadhiya inay keennaan, waxa looga fadhiya inay muujiyaan cadaynta haddii ay jirto iyo waxay ku salaysan tahay-ba inay Somaliland u soo gudbiyaan, anigu waanu ku kalsoon nahay qaranku wuu ku kalsoonyahay saraakiisha u shaqaysa.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP