OPINION

Maayarka Berbera shacbiga ayaa u baahan

Sharaxaadda Doorashadda Golaha Deegaanka ee Maayarka maanta ee Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil Mudane Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) ayaa is sharaxaadiisa Golaha deegaanka Berbera ay noqonaysaa mid guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo gaar ahaan shacabka reer Berbera aad u soo dhoweeyeen.

iyadoo laga duulaayo shaqsiyad wanaaga iyo hawl karnimadda Maayar Cabdalle Sandheere oo mudaddii uu xafiiska maayarka ee magaaladda Berbera ka hawl gelaayey uu ku sifoobey muwaadin dhamaan shuruudahii looga baahnaa buuxiyey oo hawl kara, isla markaasina magaaladda berbera wax badan oo lagu xasuusto ka qabtay, in uun haddii laysku abaal marinaayo waxqabad iyo shaqo wanaag shacabkan reer Somaliland inta badan u haraadka qabey.

Maayarka iyo masuuliyiinta sare ee Gobolka Saaxil ka hawl gala waa rag dadaalkoodda iyo doorkoodda maamul uu Gobolku u baahanyahay, isla markaasina ay haboontahay in shacabka reer Berber codkoodda ugu hiiliyaan Caasaimadda Berber iyo Cabdalle Sandheere oo bilicda magaaladda Berber iyo dib u dhiskeedda door weyn ka ciyaaray mudaddii uu xafiiska maayarka uu hogaamiyaha ka ahaa oo inta runta quudataa ay si weyn uga markhaati kacayaan wax qabadkiisii hufnaa.

Hadaba Maayarka magaaladda Berbera oo asxaab iyo qaraabo intaba aanu nahay, uma qaraabo kiilaayo ee indhaha ayaa macalina ayaa hore loo yidhi, markaa masuul kasta oo doonaaya inuu soo laabto Madaxweyne ilaa maayar waxaa nin walba horyaala waxqabadkii iyo dadaalkii uu gashaday dalka iyo dadka reer Somaliland oo markasta, baahi weyn u qaba inay helaan baahiyaha kala duwan ee arimaha nolosha aadamaha asaaska u ah ee Caafimaadka, Waxbarashadda, Nabadgelyadda, Wadooyinka iyo bilicda magaaladda oo ah danta guud ee ummaddu si wadda jira uga wadda faa,iideysanayso. Waxaan leeyahay Cabdalle dagaal iyo dadaal kuguma baaqan intii shacabkaaga aad u adeegeysey oo waxaa taasi ka markhaati kacaaya heerka iyo doorka maanta Magaaladda Berbera ay taagantahay iyo halkii ay taagnayd markii xafiiska aad maamulkiisa qabatay. Wax fiican ayaad qabatay ummadduna diyaar ayey u tahay in ay kugu abaal mariso soo noqoshadaadda markale iyo Maayarka Magaaladda Berbera oo shacabka iyo Xukumadda reer Somaliland ahmiyad balaadhan u leh markasta, waayo waa naaskii iyo ishii dhaqaalaha ee shacabkan reer Somaliland. Markaa markasta waxaa looga baahanyahay magaaladda Berbera Maayarkeeddu inuu noqdo nin madaxbanaan oo ummadda reer Somaliland Bari ilaa Galbeed taabasho ummadda ku gaadhi kara, isla markaasina xidhiidh joogtaa oo toosa la leh shacabka reer Somaliland idilkiiba meel kasta oo uu joogo.

Waxaa hubaala in sharaxaadda Maayarka Berbera Mudane Cabdalle Sandheere tahay talaabo iyo go,aan dhaba oo caasimadda Berbera u baahantahay si loo sii anba qaado dib u dhiska iyo maamul wanaagii ka jirey Berbera iyo Gobolkan Saaxil. Waxaan idin leeyahay haddii arimaha aan runta laga sheegin oo danta guud aan laga hormarin danta gaarkaa ummadani weligeed horumar ma gaadhi karto, hawlaheenuna waxay noqonayaa qaar fadhiidda oo daah saaranyahay, taasi oo ah calaamadaha burburka iyo dib u dhaca shacabka iyo geedi socodka horumarka iyo hiigsiga himiladda dhabtaa iyo ujeedooyinka aan leenahay Qaran ahaan.

Cabdilaahi Cali Xassan John
Liverpool
UK


TOP