Machadka Tababarka shaqaalaha dawlada oo ka waramay hawlahooda
Hargeysa (Somaliland.Org)-Agaasimaha Mac-hadka tababarka shaqaalaha Prof. Maxamed Mixile Boqore, ayaa ka war-bixiyey heerkii uu soo maray mac-hadku,waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu jiray, iyo qorshaha ku tallo galka mustaqbalka ee Mac-hadka.
Agaasimaha Mac-hadka Tababarka shaqaalaha waxa uu sheegay in mac-hadka la aasaasay 2005-tii, mudadaasina uu tababaro kala duwan u fidiyey shaqaalaha hay’adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee dalka, waxaanuu tilmaamay in mudadaasi uu jiray Mac-hadka ay tababaro wax-barasho siiyeen afar kun saddex noqol iyo sagaashan qof oo shaqaale ah.
Waxaanuu Agaasimuhu intaa raaciyey inay Mac-hadka hadda ay ku jiraan boqol iyo sideetan qof oo shaqaale ah.waxaanuu xusay in mac-hadku uu dedaal u galay sidii uu tababaro dibadeed ugu heli lahaayeen shaqaalaha, kuna guulays-teen inay tababar dibadeed ugu diraan mac-hadyada dhigooda ah sideed iyo sodon qof oo shaqaale ah.
Agaasimaha oo ka hadlayey qorshaha mustaqbalka ee Mac-hadka waxa uu sheegay, inay ku tala jiraan inay soo kordhiyaan tababaro cusub oo la xidhiidha dhinacyada saxaafadda , maamulka iyo maaraynta.
Waxaanuu intaa ku ladhay, inay ku tala jiraan oo kale sidii ay shaqaalaha ugu furi lahaayeen koorasooyin heer Digrii ilaa Mastar gaadhsiisan.iyo sidii ay ugu heli lahaayeen shaqaalaha koorasyo dibadeed si kor loogu qaado aqoonta shaqaalaha.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
