Wasiirka Qorshaynta Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiis Ay Wasaaradu Ku Yeelanayso Boorame
Boorame (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Hormarinta Md. Sacad Cali Shire ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis si heer sare ah loo qalabeeyay oo ay wasaaradu ka furatay magaalada Boorame.
Xafladii loo sameeyay furitaanka xafiiska waxa goob-joog ka ahaa maamulka Gobolka kan dagmada iyo isuduwayaasha laamaha dawlada ee Gobolka Awdal.
Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shirre, oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xafiiskani uu yahay mid wax wayn ka taraya dhinaca hormarinta iyo qarshaynta ee Gobolka Awdal, waxaanu u mahad-naqay Ha’yadda dhismahan hirgaliay.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in dhamaan laamaha kala duwan ee dawlada ee Awdal ay ka qayb qaataan qorshanta dhinaca hormarinta ee guud ahaan gobolka oo ay laf dhabar u tahay Wasaaradda Qorshayntu, waxaanu tilmaamay inay laga maar-maan tahay in la mideeyo qorshaha dhinaca horumarka guud ee Somaliland.
Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu ka mahad naqay xafiiskan manta la furay ee loo dhisay wasaarada Qorshaynta, waxana uu sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo guud ahaan wasaaradaha Gobolka.

Badhasaabku waxa uu sheegay inay qorshaysan tahay in la dhiso gudidii hormarinta ee G/Awdal isla markaana ay xidhiidh xoogan la yeelan doonaan xafiiskan wasaarada qorshaynta ee Gobolka Awdal.
Badhasaanku waxa uu fariin u diray Wasaaradaha Dawlada ee kale waxana uu u sheegay in loo baahan yahay in ay xafiisyadooda gobolada soo qalabeeyaan si ay hawlahu u noqdaan kuwo habsami u socda.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
