Hargeysa: Maxkamadda sare oo laashay dacwadii ururadii Hadhay iyo jawaabaha laga bixiyay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in ururadii qiimeynta ku hadhay aanay buuxin shuruudihii laga rabay ururadda siyaasadda ee ka qaybgalaya tartanka doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay dalka ka dhacdo 28-ka bisha November 2012-ka.

Gudoomiyaha maxkamadda Sare Md. Yuusuf Ismaacii Cali, ayaa sheegay in markii ay maxkamadu dib u eegis ku samaysay dacwadihii ay ururadii qiimeynta ku hadhay u soo gudbiyeen maxkamada aanay buuxinin shuruudihii lagama maarmaanka u ahaa in loo aqoonsado urur siyaasadeed ka qayb-gala doorashooyiinka golaha deegaanka ee soo socda.

Ururaddan maxkamadda sare sheegtay inay ku hadheen shuruudhii laga rabay, ayaa go’aankaasi ay ku ayidayaan guddidii diiwaangelinta ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog, isla markaana horaba wakhtiga looga lumiyey loona habsaamiyey, maadaama oo wakhtigii loo qabtay ururada inay liiska musharaxiintooda soo gudbiyaan ka hadhsan tahay 12 cisho.

“Maxkamad raagtay waa cadalaad la’aan way raajisay go’aankii aanu ka sugaynay, ta labaad qoladii Diiwaangelinta ee aanu ka dacwoonaynay go’aankoodii qaloocay uun bay ku ayiday oo ay raacday”ayuu yidhi ,Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah ururadda siyaasada hadhay oo warbaahinta la hadlayey.

Ururadan ku tilmaamay cadaalad darada go’aankaasi ayaa waxa ka mid ahaa ururka, HORYAAL, JAMHUURIGA, NDP iyo UDHIS, waxaanay sheegeen inay xukuumaddu soo farogalisay garsoorka, isla markaana siday rabtay uun u xukumeen, waxaanay tilmaameen inay markii horaba sii garanayeen balse ay nidamka dalka u yaallo uun marayeen si ay sharciga u hogaansamaan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP