Madaxweyne Ku xigeenka oo Tacsi u diray qoyskii Marxuum Ibraahim Magan Nuur

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Md cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tacsi u diray qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Ibraahim Magan Nuur oo ku geeriyooday Magaalada Boorama. Marxuumku waxuu ka mid ahaa Waxgaradka iyo waayeelka Gobolka Awdal, isagoo soo maray xilka Maayor-ka Magaalada Boorame. Dhambaalka tacsida ah ee madaxweyne ku xigeenka […]

Hambalyo Maher Wacan

Haybe Axmed Yuusuf iyo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Caasha Yuusuf Halac iyo Carruurteeda, Carab Yuusuf Halac iyo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Saleebaan Yuusuf Halac iyo Carruurtiisa, Xasan Yuusuf Halac, Cabdi Bille Halac,Axmed Xasan Buraale iyo Xaaskiisa Kiin Cali Faarax iyo Carruurtooda, Shugshir Yuusuf iyo Carruurteeda, Cali Kayse Saleebaan Geel-dabar’ iyo xaaskiisa iyo Carruurtooda Xiis Axmed Kabadhe iyo […]

Ku simaha Guddoomiyaha Maroodijeex kulan la yeeshay Gudiyadda Nabad-gelyadda laba degmo oo Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ku simaha gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Rashiid Axmed Maxamed oo ay weheliyaan Xoghayaha Maamulka ee Gobolka Maroodi jeex Xamse Ciise Cabdi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeer ku soo Maray degmooyinka Ibraahin Koodbuur iyo Lix labaatanka June,isla markaana kulamo la yeeshay Gudiyada Nabadgalyada ee Xaafadahaasi. Ujeedada kormeerkan ayaa la xidhiidha dardargelinta hawlaha ay […]

Fogaan-Aragga Wasaarada Maaliyada iyo Fashilaada Farsamooyinkii Wax Lagu Fuuqsan Jiray!

Wararka hordhaca ama ceelalyada ah ee ka soo baxaya dadka xog-xogaalka u ah hawlaha wasaarada maaliyada ayaa tilmaamaya in isbedel weyni ku yimid dakhliga soo gala wasaarada maaliyada 4tii bilood ee u danbeeyay. Waxaa rajo wanaagsan laga qabaa in ku talo-galka miisaaniyada ee sanadkan 2012ku ay dabooli doonto dhamaan qorshayaashii iyo odoroskii ku jiray markii miisaaniyada la samaynayay dhamaadkii sanadkii hore ee 2011kii.

Roob khasaare kala duwan u geystay Tuulada Aw-barkhadle

Hargeysa (Somaliland.Org)-Roobkii xalay ka da’ay magaalada Hargeysa ayaa khasaare kala duwan u geystay tuulada Aw-Barkhadle ee bariga magaalada Hargeysa. Siday baahisay wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA, oo aanu warkan ka soo xiganay, ayaa sheegtay in Xoghayaha Maamulka ee Gobolka Maroodi jeex Xamse Ciise Cabdi, uu u xaqiijiyay in roobkaasi aasay laba gaadhi,oo noocoodu yahay Bas […]

Madaxweynaha Oo Mushahar u xadeeyay Madaxweyneyaashii iyo Ku xigeenadii hore

Hargeysa (Somaliland.Org) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu golaha wakiilada Khamiistii todobaadkii hore usoo gudbiyay xeer cusub oo xuquuq mushahar loogu xadeeyay masuuliyiinta jagooyinka hab maamuuska Qaran ee dalka hore uga soo qabtay sida Mansabyada Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, gudoomiyaha golaha wakiilada iyo gudoomiyaha golaha guurtida.

Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la yeeshay Hoggaanka xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shir la yeeshay Hoggaanka xisbiga tallada haya ee KULMIYE oo ay ka wada hadleen sidii xisbigu ugu diyaar garoobi lahaa doorashada dawladaha Hoose ee lagu wado inay dalka ka dhacdo 28-ka November 2012-ka. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankaasi ka dib […]

Wasiirka Cadaaladda oo Jawaab ka bixiyay Eedo uu Xildhibaan Wakiilada ahi u jeediyay Xukuumadda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta jawaab ka bixiyay Eedaymo uu Guddoomiyaha Guddi hoosaadka shuruucda ee golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Cismaan Caalin uu ku naqdiyay Guddi Wasiirro ah oo madaxweynuhu u xil-saaray inay macluumaad ka soo ururiyaan galdaloolooyinka garsoorka oo uu Xildhibaanku ku dooday inay Gudidaasi wax u dhimayso madax-banaanida Garsoorka.

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo sababeeyay shaqo ka joojinta sarkaal wasaarada ka tirsan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ku simaha Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland, ahna Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta sheegay inuu Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka TV-ga qaranka Xasan Maxamed Maxamuud uu shaqada uga joojiyay dalab uga yimid Hanti-dhawrka guud oo ka soo dalbaday inaanu sarkaalkaasi shaqada iman inta ay socoto wax uu ugu yeedhay baadhitaan ay hanta-dhawrka guud wadaan.