Shirkadda GOLIS oo 17 Kun oo Dolar Ugu Deeqay Jaamacada Sanaag University

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Shirkadda  isgaadhsiinta ee GOLIS ayaa lacag dhan  17 kun oo dolar ugu deeqday dhisme cusub oo lagu kordhin doono jaamacadda Sanaag University  ee magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Sida uu ku soo waramay Weriye Maxamuud Maxmaed Xasan (Saraaf), Xafladii  gudoonsiinta lacagtan  oo lagu qabtay  hoolka shirarka jaamacada ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag masuuliyiinta shirkada golis ee  gobolka Sanaag iyo  maamulka jaamacada iyo marti sharaf kale.

 

Waxaana  ugu horeynba madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada isgaadhsiinta  GOLIS  ee Gobolka Sanaag Siyaasi C/laahi Axmed Daamur oo faahfaahin ka bixiyey qorsha lacagta ay shirkadoodu  ugu talo galeen.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal ayaa ayaa isaguna shirkada isgaadhsiinta ee GOLIS  uga  mahad celiyey lacagtan ay jaamacada ugu deeqeen iyo doorka wax ku oolka ah ee shirkadaasi   ay had iyo jeer kaga qayb   qaadato  guud ahaanba horumarinta gobolka  Sanaag,

 

Hormuudka jaamacada Sanaag Prof.  Xasan Ibraahim Xasan (Bulsho)  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  dhankiisa si weyn uga mahad celiyey deeqdan wax ku oolka ah  iyo sida ay wax uga tari doonto balaadhinta dhismayaasha jaamacada. Prof. Xasan waxa uu  ka waramay xaalada jaamacada iyo heerka ay xiligan marayso.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal ayaa  gebagebadii  munaasibadaana halkaasi ku  Dhagax Dhigay Dhismihii  Cusubaa  ee lacagtaasi lagu fulin lahaa.

 

 

Jaamacada Sanaag University oo haatan maraysa heerkii ugu wanaagsanaa islamarkaana dhismayaal dhawr ahi ay kasocdaan ayaa waxaa  wax uga barta boqolaal arday oo kaga negaaday tiigtii waxbarsho ee ay u tegi jireen deegaamada durugsan.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com