Dahabshiil Group oo loo Qiray in Kaalinta ugu Ballaadhan ka Qaatay Hirgelinta Carwadii Hay’adaha

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa noqotay shirkadda kaalintii ugu waynayd ka qaadatay hirgelinta carwadii muddada laba maalmood ah uga socotay huteelka Maansoor hay’adaha kala duwan ee waddanka ku sugan iyo kuwa maxalliga ah, taas oo ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda.

Carwadaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, lana soo gebogabeeyey shalay, waxa si weyn loogu ammaanay shirkadda Dahabshiil inay dhaqaale badan u hurtay hirgelinta carwadaasi.

Masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta iyo guddigii qabanqaabada carwaduba waxay qireen kaalinta shirkadda Dahabshiil kaga jirto adeegyada bulshada iyo weliba inay si muwaadinimo ah ugu caawisay inta ugu badan kharash ku baxay carwada oo la’aanteed aanay waxba u suurtogaleen.

Waxaanna tallaabadaasi shirkaddu qaaday keentay in hay’aduhu ku soo dhiiradaan ka qaybgalka carwada, isla markaana waxay hay’adaha kala duwani u arkeen in iyaga Dahabshiil wax ku soo celiyey, maadaama wadashaqayn dhinaca xawilaadaha lacagaha iyo kaydintooda iyo xidhiidh weyni ka dhexeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo munaasibadihii furitaanka iyo xidhitaanka carwada hadallo ka jeediyey, ayaa uga mahadnaqay Dahabshiil Group mucaawanada ay siiyeen, “Waxaannu u mahadnaqaynaa shirkadda Dahabshiil oo runtii deeqdii ugu waynayd na siisay, noo suurtogelisay qabashada carwadan, Dahabshiil la’aanteed noomay suurtogasheen in aannu qabano hawshan,” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi Cabdirashiid Axmed Guuleed iyo xubno ka mid ah guddigii qabanqaabada carwada ayaa iyaguna si ballaadhan u ammaanay shirkadda Dahabshiil doorka ay ka qaadatay hirgelinta carwada.

Madaxa Xidhiidhka hay’adaha shirkadda Dahabshiil Cabdiqaadir Xuseen Siciid oo khudbad ka jeediyey furitaankii carwadda hay’adaha, ayaa ka warramay kaalinta shirkadoodu ugu jirto bulshada iyo waxqabadkoodaba, “Waxaan aaminsanahay in dadkiina halkan isagu yimi shakhsiyaad, hay’adaha kala duwan, kuwa dawladda iyo ganacsatadaba inuu adduun u wada yaalo Dahabshiil oo aannu hawlahooda wada fududayno, waxaan si gaar ah u xusayaa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah in aannu u fududaynay lacagihii ay ku qabanayeen hawlahooda guud ahaan Soomaaliya ka qabtaan, gaar ahaan Somaliland oo aaannu wadanka gudihiisa ku siino. Waxaanan aad ugu mahadnaqayaa hay’adaha caalamiga ah oo intooda badani xidhiidhka fiican nala leeyihiin,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Xuseen.

Madaxa Xidhiidhka hay’adaha shirkadda Dahabshiil waxa uu faahfaahiyey waxqabadka shirkadda eek u wajahan adeegyada bulshada, waxaannu yidhi, “Halkan waxa laga sheegayaa waxqabadka hay’aduhu qabteen, annagu haddii aannu Dahabshiil nahay waxqabadka kama maqnin ee waxaannu isleenahay hay’adaha oo dhan oo la isku daro waxay qabtaan ayaad idinkuna ummadda tartaan, haddii ay tahay kor u qaadida tacliinta, caafimaad, daryeelka darbi-jiifka iyo agoonta, haddii ay tahay ceelal biyood oo la qodo iyo ka qaybqaadashada gurmadada abaaraha, dhismaha waddooyinka iyo biriijyada iyo shaqo abuurkaba, runtii dhinac aannu ka maqanahay ma jiro. Waddanka waxaannu u aragnaa mid aannu leenahay oo aannu ka mid nahay, wixii naga soo geliya aannu wax badan baanu dib ugu celinaa. Markaa waxqabadkayagu waa mid jira oo naloo ogyahay shacab iyo dawladba, waana waajib na saaran oo ay tahay in aannu ka baxno.”

“Adeegyo badan baanu u qabanaa dadka, malaayiin doollar ayaanu sannad walba ku kharashgaraynaa si aannu adeegyadaasi u casriyeyno. Sidaa darteed, waxaannu mar labaad idiin sheegaynaa in haddii aad tihiin qof qof, hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga ah, ganacsato iyo cid wal oo kaleba inuu ammaan yahay xoolaha aad dhigataan Dahabshiil,” ayuu ku soo gunnaanaday hadalkiisa Mr. Cabdiqaadir Xuseen Siciid.

Dhinaca kale, shirkadaha Dahabshiil Group oo isugu jira Bangiga, Xawaaladaha iyo Isgaadhsiinta Somtel ayaa dhammaantood adeegyadooda kala duwan ku soo bandhigay carwadaasi, kuwaas oo lagu muujiyey qoraalo iyo muuqaalaba.

Ugu dambayn munaasibaddii lagu soo xidhay carwaddaasi waxa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranku shahaado albaalmarin ah ku siiyey shirkaddaha Dahabshiil Group maalingelintii ay ku bixisay hirgelinta carwada.

Somaliland.Org/Hargeysa