Beel shaacisay Murashax u tartami doona Golaha deegaanka Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Suldaanka Guud ee beesha Axmed-Cabdalle ee Haashin, Cabdilaahi Axmed Cilmi, ayaa soo saaray bayaan uu ku shaacinayay in murashaxa beeshiisa uga qeyb geli doona tartanka doorashada Goleyaasha deegaanka, kaasi oo ay u doorteen Eng. Mubaarig Cabdi Malow.

Sidaasna waxa lagu sheegay bayaan uu Suldaanku soo saaray isla markaana cuqaasha iyo waxgaradka beeshaasina saxeexday, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Haddii aan nahay Salaadiinta, Caaqilada iyo Ganacsataada Beesha Axmed Cabdale (Haashin Arab). waxaanu halkan ku cadaynaynaa falan-qayn dheer ka dib waxaanu go’aan ku gaadhnay in aan soo saarno
Xubinta Beel ahaan nooga qayb gali doonta tartanka Golayaasha Deegaanka ee dhawaan la filayo in ay Dalka ka qabsoonto, anaga oo ku kalsoon wayo aragnimada iyo aqoonta Musharaxani kuna kalsoon sida ku cad CV’giisa waxbarasho.

Musharaxa Mubaarik Cabdi Malaw oo ka sharaxan Xusbiga Xagsoor, hadaba waxaan Gudida fulinta ee Xusbigaasi waxaan u cadaynaynaa in aan isku raacnay Beel ahaan sharixida Musharaxaasi.

Musharaxan oo degaan ahaan ka soo jeeda Gobolkan Maroodi jeex, waxaanu Bulshaweynta iyo Taageero yaasha Xusbiga Xaqsoor u soo bandhigayanaa magacyada Saladiintaa, Odayaasha iyo Ganacsatada,Beesha Axmed Cabdalle oo ah kan hoos ku qoran.

1. Caaqil ibraahin jaamac geedi
2. Caaqil maxamed faarx diriye
3. Axmed xaaji xasan nuur
4. Ibraahim ducaale shire
5. Ganacsade yuusuf cabdilaahi Ciir
6. Maxamed diiriye dhiidhaa
7. Aadan daahir maxamed
8. Ismaaciil mire maxamed
9. Maxamuud cabdi faarax
10. Cabdilaahi ibraahim cilmi
11. Fu,aad xasan cilmi
12. Jiif caaqil maxamed faarax diiriye
13. Ganacsade cabdi cali jaamac
14. Maxamed ibraahim cismaan
15. Axmed cilmi dhancade
16. Jiif caaqil cabdi raxmaan maxamuud Aadan
17. Cabdi fataax maxamed xasaan