Maayarka Hargeysa iyo Baanka Adduunka oo ka wada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Duqa Caasimada Hargaysa Eng. Xuseen Maxamud Jiciir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Baanka Adduunka iyo hay’ada caalamiga ah ee loo yaqaan IPE GLOBEL ,oo booqasho ku jooga caasimada dalka ee Hargaysa.

kulankan waxa uu ku saabsanaa Maaraynta qashinka ,iyo sida looga faa’iidaysto hadhaagiisa sida Bacaha,Digada iyo qashinka adag ee kale.

Mashruucan oo muddo laba sannadood ah daraasad ahaan looga samayn doono Somaliland, waxaa ku deeqay Baanka Adduunka iyadoo cilmi baadhistiisa ay samayn doonaan hay’ada IPE GLOBEL.

Maayarka Caasimada Hargaysa Eng. Xuseen Maxamud Jiciir ayaa hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay xubnaha baanka adduunka iyo hay’ada IPE,ee mashruucan ka hirgalin doona caasimada dalka ee Hargaysa kaas oo uu xusay inay ka heli doonaan mashruucan faa’iido balaadhan.

Mashruucan ayaa lagu wadaa oo kale in laga hirgaliyo magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com