Hargeysa: Wasiirro ka qeyb galay Xaflad loo sameeyay Arday Dhamaystay culuumta nidaamka dhaqaalaha

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga ayaa maanta ka qayb galay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday dhamaystay nidaamka dhaqaalaha Baananka Islaamiga ah.Tababarka ay ardaydani qaadanayeen oo kala socday,lix bilood iyo afar bilood.

Suldaan Maxamed Xasan, oo ka socday baanka SALAAMA ayaa ku amaanay machadka ay ardaydani tababarka ku qaadanayeen ee ay ku barteen Culuunta dhaqaalaha islaamiga ah iyo dadaalka ay u galeen sidii ay aqoontan dalka ugu soo kordhin lahaayeen. Waxaanu sheegay in nidaamka Salaama Financial Service ,mudadii ay hawl galiyeen ay ka hawl galiyeen shaqaale badan.

Sidoo kale Maamulaha Shirkada DAHABSHIIL C/Raxmaan Cali Cabdi ayaa ka hadlay ahmiyada ay aqoonta xambaarsan tahay isagoo intaas ku daray in shirkad ahaan ay dhiirigalinayaan barnaamijyada aqoontooda kor loogu qaadayo,gaar ahaan kuwa culuunta dhaqaalaha baananka islaamiga ah.

Gudoomiyaha Jaamacada Badar ayaa ka war-bixiyay barnaamijyada kala duwan ee ay bixiyaan jaamacadani,iyo qorshayaashooda waxbarasho.

Gudoomiyuhu waxa uu xusay in ardaydan waxbarashadu u dhamaatay ay markii hore ku soo xuleen imtixaan laga qaaday.
Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland C/laahi Xasan Aadan ayaa balanqaaday inay la shaqaynayaan jaamacadan Badar,waxaanu ardayda ku dhiirigeliyay inay dadaalkooda sii laban laabaan.

Wasiirka Wasaarada Ganacsig,Wershadaha iyo Dalxiiska Mudane C/risaaq Khaliif Axmed ayaa tilmaamay doorka ay aqoonta dhaqaalaha baananka islaamiga ahi ka qaataan horumarka dhaqaalaha wadanka waxaanu ku amaanay jaamacada badar kuliyadan ay ku soo kordhisay qaybahaheeda waxbarasho.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa sheegay sida ay waajibka u tahay in da’a yarta soo koraysa ay u helaan aqoon la talaabsanaysa dunida casriga ah, waxaanu bogaadin u soo jeediyay dhamaanba dhinacyadii kala duwanaa ee ka qayb qaatay suurto galinta waxbarashadan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com