Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday Wasiirkii warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe).

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanay u dhignayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012 xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.
Madaxweynuhu:-
Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-
UJEEDO: XIL-KA QAADIS
Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta
MUDANE, Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com