Badhasaabka Somaliland ee Buuhoodle oo markii u horeysay gaadhay Buuhoodle

Hargeysa (Somaliland.Org)-Badhasaabkii Somaliland ee Gobolka Buuhoodle Xariir Maxamuud Axmed, ayaa maanta markii u horeysay muddo sanado ah gaadhay magaalada Buuhoodle oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Badhasaabka Buuhoodle waxa dadweyne ka mid ah bulshada ku dhaqan magaaladaasi oo watay kollanyo baabuur ahi ay Badhasaabka kaga hortageen meel 40km u jirta magaalada Buuhoodle.

Badhasaabkii Gobolka Buuhoodle Xariir Maxamuud Axmed, oo la hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay siday u soo dhaweeyeen, waxaanu ugu baaqay inay nabad-gelyadii ay dhawaan qaateen waxgaradka Buuhoodle la ilaaliyo.

Badhasaabku waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay dhawrto nabad-gelyada Buuhoodle isla markaana deegaamada kala duwan ee gobolka ay ka fulin doonaan mashaariic horumarineed oo wax lagu xoojinayo adeegyada daruuriga ah ee dadweynaha gobolkaasi.

Xariir Maxamuud waxa uu sheegay inuu soo maray Jiida Maygaale, waxaanu xusay inay dadweynihii reer guuraaga ahaa ee ka guuray deegaamadii ciidanka qaranku ka guuray.

Badhasaabku wuxuu sheegay inay gobolkaasi ka bilaabi doonaan Ha’yadaha dawliga ahi shaqadoodii, waxaanu u soo jeediyay dadweynaha inay nabad-gelyada ka shaqeeyaan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com