Madaxweyne Ku xigeenka oo Tacsi u diray qoyskii Marxuum Ibraahim Magan Nuur

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Md cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tacsi u diray qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Ibraahim Magan Nuur oo ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Marxuumku waxuu ka mid ahaa Waxgaradka iyo waayeelka Gobolka Awdal, isagoo soo maray xilka Maayor-ka Magaalada Boorame.
Dhambaalka tacsida ah ee madaxweyne ku xigeenka oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md cabdilaahi Maxamed daahir (Cukuse) oo oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xarunta wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa Madaxweyne ku xigeenka Mudane saylici waxuu ilaahay uga baryey inuu marxuumka ka waraabiyo naxariistii janno, eheladiisiina samir iyo iimaan ka siiyo

Aamiin Aamiin
Innaa Lillaahi waa Innaa ilayhi raajicuun


TOP