Madaxweyne Ku Xigeenka oo shahaadooyin gudoon siiyay 90 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Burco

Burco (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdi-Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo uu kaga qayb galay Munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey Arday ka qalin jebisay Jaamacadda Burco.

Ardaydan Jaamacadda ka qalin jebisay oo tiradoodu ahayd 90 arday ayaa isugu jira dufcadihii Labaad iyo sadexaad ee ka dhamaysatay waxbarashada kala duwan ee kuliyadaha waxbarashada, Shareecada iyo maamulka iyo dhaqaalaha.

Munaasabadda loo sameeyay ardaydaasi oo ka dhacday xarunta Jaamacadda Burco ayaa waxaa kale oo ka qayb galay Wasiirrada wasaaradaha Madaxtooyada iyo ciyaaraha ee Somaliland Md. Xirsi Cali X Xasan, iyo Md. Cali Siciid Raygal, badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir iyo Gudoomiyaha jaamacadda Burco Prof. Saleebaan Diiriye.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal ka jeediyey munaasabadda qalin jebinta uu sheegay inay yar tahay ardada ka qalin jebinaysa jaamacadda Burco marka la barbardhigo baaxadda ay jaamacaddu leedahay waxuuna ugu baaqay Maamulka jaamacadda inay kordhiyaan dadaalkooda isla markaana hiigsadaan jaamacadaha kale ee dalka sida jaamacadda Cammuud.

“Waxaanan marka hore hambalyo u diraynaa dhamaan ardayda maanta halkan fadhida ee Kuliyadahan dhamaysatay iyo waalidkoodba sidaa awgeed. waxa loo baahanyahay aqoontaad barateen in ay laba shay wax ka bedesho ,naftiina iyo dadkiinaba ,waayo dagaal sokeeye ayaynu galay oo burbur ayaa inagu dhacay waxaana inaga dhintay dhaqankii ,beentii iyo khiyaamadiina way inagu bateen,”ayuu yidhi Md. Saylici.


Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay in goboladda iyo Jaamacaduhuba ku tartamayaan dhinaca horumarka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “ Xiligan waa la tartamayaa waxaana lagu tartamayaa waxa wanaagsan ,jaamacaduhu way tartamayaan ,goboladu way tartamayaan ,degmooyinku way tartamayaan , ,Lixda gobol ee Somaliland maanta way wada gaadheen jaamacaduhu waana wax ilaahay loogu faano ,taasna waxaynu ku gaadhnay nabada aynu haysano ,waxaanu idiin balanqaadaynaa Xukuumad ahaan in aanu gacan ka gaysano jaamacadaha sidii tayadooda sare loogu qaadi-lahaa “ Sidaasi Md Saylici hadalkiisa kaga baxay.

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali X Xasan oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa si gaar ah ugu dhaliilay shirkadaha ganacsiga ee magaalada Burco inay ka gaabiyeen gacantii ay ka gaysan lahaayeen dhinaca horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada gobolka marka laga reebo ayuu ydhi wasiirku shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom oo gacan aan weynayn u fidiya waxbarashada Gobolka togdheer. waxuuna ku booriyey ardayda iyo maamulka Jaamacadda Burco sidaay uga faa’iidaysteen wakhtigooda, isagoo sidoo kalena ku dhiiriyey inay sii labanlaabaan dadaalkooda.

Gudoomiyaha jaamacadda Burco Prof Saleebaan Diiriye ayaa isna munaasabadaas ku soo bandhigay baahiyaha aasaasiga ah ee jaamacadaas gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo agabka waxbarashada waxuuna ballanqaaday inaanay marnaba baahiyaha haysta dartood uga tanaasulayn qorshayaashooda ay waxbarashada ugu gudbinayaan aradayda Gobolka.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir ayaa uga mahad-naqay maamuka jaamacadda Burco sida ay ula soo dadaaleen ardayda maanta Qalin jebinaysa, waxuuna ka codsaday Xukuumadda dhexe ee Somaliland inay labanlaabto taageerada ay u fidiso jaamacadaha dalka.

Waxa kale oo goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Md cali Siciid Raygal, Duqa degmada Burco maxamuud Axmed Dhegolaab iyo mas’uuliyiin kale.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com