Madaxweyne Ku xigeenka oo dhagax dhigay dhisme DAHABSHIIL u dhisayo Jaamacada Burco

Burco (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax-dhigay dhisme cusub oo loogu tallo-galay macalimiinta iyo martida Jaamacadda Burco oo ay hirgalinayso shirkadda Dahab-shiil Group.

Madaxweyne ku Xigeenka oo ay ku wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali X. Xasan ,Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaruha Md. Cali Siciid Raygal, badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar ,maayirka degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan (dhagolaab) masuuliyiinta shirkadda Dahab-shiil ee gobolka Togdheer iyo gudiga jaamacadda Burco.

waxa ugu horeyn ka warbixiyay Cabdi Faarax oo ka mid ah saraakiisha Shirkadda DAHABSHIIL oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “Hadaanu nahay Shirkadda Dahab-shiil waxaanu maanta halkan ku dhagax-dhigaynaa Todoba qol oo mid yahay Hool aanu ugu talogalay martida Jaamacadda waxa kale oo isna xadhiga laga jari-doonaa Labareerigii Jaamacada oo dhamaaday ,waanay wadaysaa Shirkadu taageerada ay siiso Jaamacadda ”

Guddoomiyaha gudiga Jaamacadda Burco Maxamuud Aadan Dheri oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad-naqay Shirkadda Dahab-shiil dhismahan ay ku kordhisay jaamacadaasi oo uu sheegay in ay waxbadan ka taridoono isla markaana ay ku faraxsanyihiin. .

Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa Shirkadaha gobolka ka hawlgala ugu baaqay in ay xoojiyaan taageerada ay la gaba taaganyihiin Jaamacadda Burco iyo adeegyada kale ee bulshada ee gobolka ka socda waxaanu xusay in ay soo dhawaynayaan maamul ahaan cidkastoo gacan ka gaysanaysa adeegyada horumarinta Togdheer.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo dhagax-dhigii dhismahaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shirkada DAHABSHIIL oo jaamacadda u dhisaysa dhismahan.

Madaxweyne Ku xigeenka oo ka hadlayay dhismahan waxa uu yidhi ” Runtii waa mid ku dayasho mudan waxaanu walaalkeen Dahab-shiil markasta sameeyaa waxa yar ee uu inaga shaqaysto in uu dib inoogu soo celiyo ,aad baananu ugu hambalyaynaynaa ,inta kale ee reer Somaliland ee hantida haystana waxaanu leenahay dawladiina iyo dadkiinaba waad ogtihiin jiibkooda ee ku dayda Shirkadan oo ka qayb qaata tabarucaadka bulshadiina sii wada.”

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco