Wasiirka Dib u dejinta “Shirka Boorame waa mid lagaga hadlayo horumarinta Awdal”
Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada dib u dejinta Somaliland Md. C/Risaaq Cali Cismaan, ayaa ka hadlay shir ay xubno ka mid ah qurbo jooga Awdal ku qabsanayaan magaalada Boorame oo uu tilmaamay in siyaabo kale ay qaar ka mid ah saxaafaddu u marin habaabisay.
Wasiirka Dib u dejintu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in shirkaasi yahay mid horumarineed oo lagaga hadlayo horumarinta gobolka Awdal, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo shir lagu qabtay Boorame oo siyaabo kala duwan wax looga sheegay. Shirkaasi waxa uu noqday shir inamo reer Awdal ah oo Ururka TOL la yidhaahdaa uu qabanayo. Shirkaasina waxa kaliya ee ajandihiisa lagaga hadlayaa waa horumarinta gobolka Awdal. Maadaama oo ay horena horumarinta uga soo shaqeynayeen.”
“Waxaan Dadweynaha reer Awdal u sheegayaa inay nabad-gelyadooda ilaashadaan. Shirkana waa mid lagaga hadlayo dantooda iyo sidii wax loogu qaban lahaa. Wixii horumarinta bulshadda ka shaqaynayana waanu soo dhawaynaynaa. Inamadan shirka qabanayaana waa inamadii reer Somaliland ee qurbo jooga ahaa Soomaaliyana aan wax shaqo ah ku lahayn. Waanu u ogolahay inay shirkooda qabsadaan waana been oo wax Soomaali weyn ah lagagama hadlayo.”
Wasiirku wuxuu intaasi ku daray “Shacbiga reer Awdal waa reer Somaliland oo kow ayay ka yihiin qaranimadda dalka, cid Soomaaliya ah oo soo faro-gelin kartaana ma jirto.shirkan waxa saxaafadda lagu qoray waa shir balaadhan oo siyaasadeed oo beeshu qabsanayso. Balse ma aha ee waa aqoon isweydaarsi afar maalmood socon doona oo lagaga hadlayo uun sidii wax loo qabsan lahaa.”
Wasiirku waxa uu sheegay inay shirkaasi ka qeyb geli doonaan isla markaana aanu wax Somaliland ku lid ah ka soo bixi doonin.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
