Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo sababeeyay shaqo ka joojinta sarkaal wasaarada ka tirsan
Hargeysa (Somaliland.Org)- Ku simaha Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland, ahna Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta sheegay inuu Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka TV-ga qaranka Xasan Maxamed Maxamuud uu shaqada uga joojiyay dalab uga yimid Hanti-dhawrka guud oo ka soo dalbaday inaanu sarkaalkaasi shaqada iman inta ay socoto wax uu ugu yeedhay baadhitaan ay hanta-dhawrka guud wadaan.
Ku simaha Wasiirka warfaafinta oo maanta u waramayay saxaafadda dawlada ayaa ku dooday inaanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhex aloosan masuuliyiinta wasaarada.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inaanu jirin wax ujeedooyin kale oo ay ka lahaayeen shaqo ka joojinta Agaasimahan, hase yeeshee ay aqbaleen uun codsiga ka yimid xafiiska hanta-dhawraha guud.
Dhinaca kelena waxa uu Agaasimaha guud ka war-bixiyey hawshii rakibaadda idaacadda weyn ee Radio Hargeysa oo uu markii sadexaad sheegay inay marayso heer gabo-gabo ah.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay xiligan dhamaystireen wejigii hore ee rakibaada idaacadda oo ahaa qaybta warlaliska (Transmiter-ka) xiligana lagu gudo jiro isku xidhka qaybaha Studio-yaasha, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in hawshaasi ku soo gebagebowdo si dhakhso ah oo hawada ay geli doonto dhowaan idaacadii weynayd.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee TV-ga qaranka Xasan Maxamed Maxamuud xoriyadiisii u soo celiyay bishii hore ka dib markii uu afar maalmood u xidhnaa Hanti-dhawrka guud oo ku eedeeyay eedo musuqmaasuq. Waxaana maxkamaddu gaadhay qaraarka ay ku sii daysay sarkaalkan markii Hanti-dhawrka guud ku fashilmay inuu dacwad tifaftiran ku soo oogo masuulkan.
Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe) oo lagu wado inuu maalinta Bari ku soo guryo noqdo dalka ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal uu ku tagay dalalka Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, ayaan la garanaynin tallaabada uu ka qaadan doono qaraarka uu Agaasimaha guud ee wasaaraddu shaqadii kaga sii joojiyay masuulkan.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
